Our Visitors

Flag Counter

Thursday, April 19, 2018

Tijaabadii iigu horeysay ee Xarshaasho/Qabaanqab (Mud Crab)




Waxaa ay aheyd maalin Jimco ah cimiladuna ay aad u wanaagsan tahay, sida caadada inoo ah Jimcaha aniga iyo caruurteyda waxaan aad naa Kaluumeeysi iyo dabaal, waayo waa maalinta kaliya aan fursad u wada heysano in aan kulana sameynana waxa aan ku wada qanacsanahay.

Maxaa yeelay lixda maalmood ee kale waxaan mashquul ku nahay waxbarasho iyo shaqo.

Jaceylka bada iyo kaluumeeysiga waxaa uu mudo dheer noo ahaa dareen aan si guud u wadaagno qoys ahaan waloow ay waayadaan dambe naga weecdeen group aad ula dhacsan kubada cagta ciyaarteeda iyo daawashadeedaba, kuwaasoo aad u doorbida in Jimcaha meel aan kubad aheyn aysan kaga bixin.

Si kastaba Maalintan waxaan ku guuleeysanay in aan bada wada aadno iyadoo uusan jirin qilaaf iyo caga jiid toona.

Dabaal iyo damaashaad ka dib waxaan bilownay in aan indho indheeyno xeebta oo aan socod lugo baxsi ah ku mar marno xeebta inagoo ku raaxeeysaneyna neecaawda macaan ee bada taasoo nagu caawisay in aanaan dareemin cadceeda kul dhexaadka ah ee maalintaas jirtay.

In cabaar ah markaan wada soconay qof walba waxaa uu galay mashquul isaga u qaas ah nasiib wanaag aniga waxaa i wehliyay Luqmaan yare oo aan sheekada iyo indho indheyntaba si gaar ah u wadaageynay.

Waxaan gacanta ku sitay ul aan marna ku taagsanaayay marna u isticmaalaayay in aan ku sahmiyo meelaha aan gacanta la gaari karin in aan u foorarsado ama aan u fadhiistana aanan rabin.

Si kadis ah ayaan hortayda uga dareemay muuqaal cagaaran oo biyaha ku sii libdhaaya iyo shanqar sababtay in aan dareen dhaw siiyo waxa uu ahaa waxa biyaha isku tuuray marka uu na arkay kadib.

Nasiib wanaag waxaa ay noqotay nooc ka mid ah noocyada aduunka loogu jecel yahay ee Xarshaashada ama Qabaanqabta taaasoo afka qalaad lagu dhaho (Mud Crab).

Isla markii waxaan dareemay dareen yadiidilo leh foojignaan ay xamaasad iyo xiiso balaaran ku dheehan tahay.

Aniga iyo Luqmaan yare waxaan biloownay in aan meesheey nala gaarto kaga soo harno qabshada Xarshaashada/Qabaanqabta anigoo sameynay wax kasta oo aan ku qaban karno.

Nasiib wanaag dadaal iyo daal ka dib gacanta ayaan ku soo dhignay waxaa ayna noqotay Xarshaashadii/Qabaanqabtii ugu horeeysay ee aan shaqsiyan tijaabiyo.

Wali waan xusuustaa dareenka caruurteyda iyo waalidkey sida uu ahaa markaan dhahay waxaan rabaa in aan tijaabiyo Xaraashadaan/Qabaanqabtaan laakiin ugu dambeyntii waa ay iga yeeleen in aan tijaabadeyda sii wato.

Waxaan aad ula yaabay sida ay san waxba uga duwaneyn dhanka dhadhanka iyo muuqaalkaba Aaragoosatada waxaanba is leeyahay qaarkood iyadaa ka sii wanaagsaneyd.

W/Q Maxamed Aadan Isxaaq

No comments:

Post a Comment