Our Visitors

Flag Counter

Thursday, July 5, 2018

Matahay waqtigii ku haboonaa?



Saakay anigoo fadhiya goobteyda shaqo ayaan maqlay asxaab ka doodeeysa heshiis lala galay Shirkado kaluumeeysi oo laga leeyahay wadamada Turkiga iyo Shiinaha.

Intaas ka dib waxaan bilaabay in aan nafteyda weydiiyo su'aashan.

Matahay waqtigii ku haboonaa in heshiis lala galo shirkado kaluumeysi iyadoo aysan jirin awoodii hubin laheyd lana socon la heyd wax soo saarkooda?

Waxaan go'aan saday in aan doodii ku biiro anigoo raba in aan ogaado fikirka iyo aragtida dad weynaha waxaan su aal weydiiyay mid ka mid ah asxaabtii ay doodu u dhaxeeysay,

Waxaan weydiiyay maxaa kugu dhaliyay dareenka ah in lagu deg degay heshiisyadaas?

Si fudud ayuu ii yiri ma ahan waqtigii ku haboonaa in la galo heshiisyo noocaasoo kala ah.

Waxaan weydiiyay muxuu kaga duwan yahay kuwii horey loola galay shirkado badan oo ay ka mid yihiin kuwa maamula Dekedaha iyo Airport da Wadanka?

Wuxuu iisheegay in ay kula duwan yahay nooc yada ay kala yihin, tusaale Shirkadaha Maamula Dekeda iyo Airport howshoodu waa howl service ah oo saameyntoodu xadidan tahay, laakin kuwan waa wax soo saar saameeyn weyn ku yeelan kara deegaanka bad iyo beriba, tusaale waxaa ay sababi kartaa xaaluf ku yimaada bada kaa soo shaqo la'aan ka sababa beriga, mida kale ma jirto cid si toos ah u koontarooli karta wax soo saarkooda noocyada kaluunka ay u gaarsanaayaan booska iyo goobaha ay ka kaluumeeysanaayaan, iyo howlo kaloo badan.

Waa ay wanaagsan tahay in heshiisyo lala galo shirkado ajaanib ah waxaa ay na qeyb ka tahay horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha wadan kasta laakiin waa marka aad lee dahay awood muuqata oo aad ku hubin karto howlaha iyo wax qabadka shirkadahaaas.

Hadaba aqriste makula tahay in lagu deg degay heshiisyadaas lala galay shirkadaha kaluumeeysiga ah?

W/Q Maxamed Aadan Isxaaq




No comments:

Post a Comment