Our Visitors

Flag Counter

Sunday, December 30, 2018

Dabeelo xoog badan oo bada iyo beriga ka jira ayaa hoos u dhigay kaluumeeysigii bada
























Waxaa gabaabsi noqday kaluunkii tirada badnaa ee sida weyn looga faa'ideystay horaantii xiligan deerta ee hada gaba gabada ah.

Hoos u dhacaas kaluunka ku yimid waxaa sababay dabeelo xoog badan oo bad iyo beriga ka dhacaayay dhawaanahan.

Waxaa loo yaqaanaa xiligan (Istaaq-furuloow) Xamar iyo gobolada ku dhaw dhaw waana xiliga la sameeyo caadada soo jireenka ah ee bad galka la yiraahdo taasoo lagu duceeysto oo alle lagu baryo.

Alle mahadiis waxaa aad u yar dhibaatooyinka laga soo sheegaayo bada iyo kaluumeeysatada ay nolosheedu bada ku xiran tahay.

Marka laga reebo dhawr caruur ah oo ay badu ku qaatay nawaaxiga toolo xeebeedka Ceel Macaan ee gobolka Shabelaha dhexe.

Wali waxaa suuqyada laga helaayaa nooca loo yaqaano Jeedarka/Tabadinka afka englishkana lagu dhaho (Tuna) kaasoo aad u waa weyn.

Waxaan alle ka baryeeynaa in uu noo barakeeyo nimcadaas uu nagu maneeystay inshaa allaah.

W/Q Abdi Rageh Gomad

Wednesday, November 28, 2018

Cunista kaluunka/malaayga oo aad ugu sii kordheysa magaalooyinka qaar























Cunista iyo ka ganacsiga kaluunk/malaayga ayaa caadi ka noqday magaalooyinka ku yaala xeebaha, taasoo muujineysa in ay bulshooyinka ku nool magaalooyinkaas ay si fiican u fahmeen faa'idooyinka balaaran ee laga helo cunista kaluunka/malaayga.

Midka mid dadka ku nool magaalada Muqdisho ayaa ii sheegay in uu aad isaga yareeyay cunista hilibka iyo xoolaha noocyadiisa kala duwan sababtoo ah waxaa aad u soo batay dadka ka cabanaaya xanuunka kalastroolka ama dhiig xeeroowga.

Si kastaba ha ahaa tee waxaa shaqo fiican ka helay dadka kaluumeeysta iyo kuwa ka sii ganacsada kuwaasoo aad ugu faraxsan kororka dadka kaluunka isticmaala iyo fahamka bulshada.

Waxaan rajeynayaa in si fiican uu u gaari doono dhamaan wadankeena afartiisa waaxood inshaa allaah.

W/Q Abdi Rageh Gomad

Tuesday, October 23, 2018

Kalluumeysatada oo aad ugu mashquulsan ka faa'ideysiga xiliga deerta oo dar dar fiican ku bilowday























Waxaa si wanaagsan u biloowday kaluumeeysiga xiliga deerta kaasoo badanaa aad loogu sii diyaar garoobo.

Isbadalo waaweeyn ayaa laga dareemaayaa suuqyada lagu iibiyo kaluunka ee magaalada Muqdisho, waxaa kaloo hoos u dhac weyn uu ku yimid qiimaha lagu kala iibsado kaluunka taa soo sahashay in ay dad badan oo aan horey u iibsankarin ay hada ka faa'ideeystaan fursadaan.

Waxaa sidoo kale mashquul badan laga dareemaayaa goobaha ay isugu yimaadaan kaluumeeysatada sida xeebaha Liido Abaay Dhaxan iyo Jaziira, halkaasoo lakaga soo daabulaayo kalluunka lagu iibiyo suuqyada waa weyn ee magaalada Muqdisho ku kala yaala.

Waxaan rajeyneynaa in xiligaans i fiican looga faa'ideysan doono kaluunkeena macaan ee alle noogu nimceeyay hadeey ahaan laheyd ganacsato iyo shacabka guud ahaan.

W/Q Abdi Rageh Gomad

Sunday, September 16, 2018

Xiliga Deerta ayaa la filaayaa in si fiican looga faa'ideysan doono inshaa allaah





















Kalluumeeysatada ka shaqeysta bada ayaa diyaar garoow xoog leh ugu jira sida ay uga faa'ideysan lahaayeen xiliga Deerta ee nagu soo aadan.

Xiliga Deerta ayaa ka mid ah xiliyada ugu wax soo saarka badan dhanka Kalluunka, iyadoo badda ay aad u degan tahay taasoo sahleysa in ay si fudud uga faa'ideystaan dhamaan Kalluumeeysatada noocyadooda kala duwan.

Waana waqtiga si fudud loo heli karo dhamaan noocyada kalluunka ah ee Illaah nagu maneystay.

Waxaan rajeynayaa in uu noqon doono  xili kheyr iyo baraare badan ku soo kordhiya dhamaan bulsho weynta ka faa'ideysata kheyraadka bada hadeey ahaan lahaayeen Ganacsato iyo Kalluumeeysataba inshaa allaah.

W/Q Abdi Rageh Gomad


Monday, August 6, 2018

Qiihama Kaluunka lagu kala iibsado kama hadli karno maanta, Waxaa hada na soo gaaray war deg deg ah


 Waxaa goor dhaw lagu xabadeeyay nawaaxiga siinaay gaari uu la socday mid ka mid ah Maamulka Xarunta Dhaq-Dhaqaaqa Daryeelka Xeeba Soomaaliya (Ocean Care Movement Center Soomaaliya) Maxamed Aadan Isxaaq.

Falkaas waxashnimada ah waxaa ka dhashay dhibaato isugu jirta dhaawac iyo dhimasho, qaar ka tirsan Xarunta Dhaq-Dhaqaaqa daryeelka xeebaha oo ku booqday isbitaalka ayaa inoo soo sheegay in uu soo gaaray dhaawac jajab ah oo ka dhashay gaariga oo rogmaday markii la xabadiiyay ka dib.

Gaariga waxaa kaloo ku wehliyay gaariga qof  ka mid ah shaqaalaha shirkada xawaalada Kaah Express iyo wadihii gaariga. kuwaas oo halkaas ku geeriyooday.

Ilaa hada lama yaqaan cida sida tooska ah uga dambeeysa dhacdadaan foosha xun laakiin waxaa jiray digniino uu helaayay Maxamed dhawaanahaan kuwaas oo ka imanaayay dad raba in ay curyaamiyaan wax qabadka dad wanaagsan ay u hayaan dalkooda.

Wixii ku soo kordha xaalada Maxamed iyo cida sida dhabta ah uga dambeeysa arintaan waan idinla soo socod siin doonaa haduu eebe ka raali noqdo,

W/Q  Abdi Rageh Gomad

Thursday, July 5, 2018

Matahay waqtigii ku haboonaa?



Saakay anigoo fadhiya goobteyda shaqo ayaan maqlay asxaab ka doodeeysa heshiis lala galay Shirkado kaluumeeysi oo laga leeyahay wadamada Turkiga iyo Shiinaha.

Intaas ka dib waxaan bilaabay in aan nafteyda weydiiyo su'aashan.

Matahay waqtigii ku haboonaa in heshiis lala galo shirkado kaluumeysi iyadoo aysan jirin awoodii hubin laheyd lana socon la heyd wax soo saarkooda?

Waxaan go'aan saday in aan doodii ku biiro anigoo raba in aan ogaado fikirka iyo aragtida dad weynaha waxaan su aal weydiiyay mid ka mid ah asxaabtii ay doodu u dhaxeeysay,

Waxaan weydiiyay maxaa kugu dhaliyay dareenka ah in lagu deg degay heshiisyadaas?

Si fudud ayuu ii yiri ma ahan waqtigii ku haboonaa in la galo heshiisyo noocaasoo kala ah.

Waxaan weydiiyay muxuu kaga duwan yahay kuwii horey loola galay shirkado badan oo ay ka mid yihiin kuwa maamula Dekedaha iyo Airport da Wadanka?

Wuxuu iisheegay in ay kula duwan yahay nooc yada ay kala yihin, tusaale Shirkadaha Maamula Dekeda iyo Airport howshoodu waa howl service ah oo saameyntoodu xadidan tahay, laakin kuwan waa wax soo saar saameeyn weyn ku yeelan kara deegaanka bad iyo beriba, tusaale waxaa ay sababi kartaa xaaluf ku yimaada bada kaa soo shaqo la'aan ka sababa beriga, mida kale ma jirto cid si toos ah u koontarooli karta wax soo saarkooda noocyada kaluunka ay u gaarsanaayaan booska iyo goobaha ay ka kaluumeeysanaayaan, iyo howlo kaloo badan.

Waa ay wanaagsan tahay in heshiisyo lala galo shirkado ajaanib ah waxaa ay na qeyb ka tahay horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha wadan kasta laakiin waa marka aad lee dahay awood muuqata oo aad ku hubin karto howlaha iyo wax qabadka shirkadahaaas.

Hadaba aqriste makula tahay in lagu deg degay heshiisyadaas lala galay shirkadaha kaluumeeysiga ah?

W/Q Maxamed Aadan Isxaaq




Thursday, June 14, 2018

Halkee/Intee kuu qorsheysan in aad maalinta ciida ah ku ciido inshaa allaah.





























Asxaab aan aniga ka mid ahay meesha ugu horeysa ee maskaxdooda ku soo dhaceysaa in ay ku ciidaan maalinta ciida ah waa xeebta, halkaas oo aad ugu wanaagsan in lagu qaato maalintaas iyo maalmaha kale ee muhiimka u ah noloshaada.

Maadaama ay ciidu tahay maalin aad ugu qiimo badan nolosha dadka Muslimiinta ah ee dunida daafaheeda ku kala nool, waxaa ay istaahishaa in lagu xuso meel aad iyo aad u qiimo badan kana madax banaan buuqa sawaxanka iyo hawada laran ee magaalooyinka.

Maxaa ku haboon in aad horey u sii diyaarsato maalintaas si uu u dhameystirmo dalxiiska iyo damaashaadka wanaagsan ee aad ku qaadaneysto xeebta.

Dharka iyo agabka kalee la xirto


  1. Dumarka iyaga diracooda iyo qamaarkooda waa iska diyaar 
  2. Raga Koofi nooca                         (Tennis Hat)
  3. Okiyaale                                       (Sunglasses)
  4. Lugo gaab dhexe                          (Middle Shorts)
  5. Shaati Baati ah, fanaanad ama garan Suuf ah 100%
  6. Shukumaan
Kareemka jirka madaxa iyo dibnaha/bishimaha afka la marsado.

  1. (Antioxidants) Kareemkan waxaa uu maqaarka ka ilaaliyaa dhaawacayada ay qoraxda sababto
  2. (Moisturizer) Kareemkan waxaa uu ka hortagaa in uu maqaarka qalalo taasoo sahleysa in ay qoraxda si fudud u wax yeeleeyso
  3. (Hair Protectant) Kareemkan waxaa uu caawiyaa maqaarka madaxa ee tinta ka hooseeya
  4. (Lip Protectant) Kareenkan waxaa uu dil-dilaaca ka ilaaliyaa dibnaha/bishimaha afka
Cuntooyinka ku haboon xeebta waxaa ugu horeeya qudaarta

  1. Liinta noocyadeeda kal duwan
  2. Cambe
  3. Qare
  4. Zeytuun
  5. Ismaris
  6. Digaag/Dooro
Ciid Wanaagsan waxaan ku rajo weynahay in aad si wanaagsan uga faa'ideysan doontaan Xeebteena dheer ee Allaah noogu deeqay.

W/Q Maxamed Aadan Isxaaq