Ururka Dhaq-dhaqaaqa Daryeelka Xeebaha. Wuxuu u taagan yahay wacyi galinta iyo baraarujinta bulshada ee xaaladaha xaasaasiga ah ee soo wajaha deegaanka bad iyo beriba qaasatan badda kuwaasoo qatar ku keeni kara Naf iyo Maalba.
Wednesday, March 21, 2018
Daawo Sawirada: Hirarka Bada oo iftiimaaya habeenkii. (Bioluminescent waves in Somalia)
Dadka ku nool deegaanka Ceel-Macaan ee gobolka Sh/Dhexe ayaa soo sheegaaya in ay xiliga habeenkii ah bada ku arkaan iftiin balaaran oo ka baxaaya hirarka bada, waxaa soo ah wax aan horey loo arki jirin kuna cusub dadka ku nool deegaankaas.
Hadal heynta hirarkaas iftiimaaya ayaa laga hadal yahaa magaalooyin badan oo ku teetsan xeebta oo ay ku jirto magaalada Muqdisho.
Dadka qaar ayaa ku tilmaamaya in ay waxaani yihiin wax mucjiso ah halka kuwa kalana ay ku tilmaamayaan in la faganaayo bada oo shidaal iyo macdan lagala baxaayo taasna ay sababtay iftiinkaan bada ka baxaayo xiliga habeenkii.
Hadaba maxaa sababa hirarka iftiimaya habeenkii. Cilmi baaris uu sameeyay channelka Discovery News ayaa lagu ogaaday in waxa sabab hirarka iftiimaya xiliga habeenkii ah ay tahay aysidh ay sii daayaan balaayiin ilma aragto ah oo ku nool bada kuwaasoo mudadiiba mar sii daaya aysidh kaas.
Waxaa la is weydiiyay saameeynta iyo fal galka ay ku yeelan karto dadka iyo deegaankaba aysidh kaas waxaana la ogaaday in ay keeni karto xanuuno saameeyn kooban leh sida hindhiso qufac iyo indha xanuun kooban dhanka bini aadamka.
Sidoo kale waxaa ay saameeyn ku yeelataa xayawaano badan oo ku nool bada oo uu kaluunka/malaayga ka mid yahay.
W/Q Maxamed Aadan Isxaaq
Monday, March 19, 2018
Boosaaso-Deg Deg. Daawo Sawirada. Dab xoogan oo qabsaday Doon u raran ganacsato
Sida aan wararka ku heleyno Maagaalada Boosaaso dab xoogan ayaa qabsaday doon u raran ganacsato, doontaas oo ku sugneed meel ka yara baxsan dekada magaalada Boosaaso ayaan la ogeyn sababta dhabta ah ee ka dambeysay in uu dab kaas ka kaco.
Waxaa socda dadaalo loogu gurmanaayo doontaas u dabka qabsaday si uGu yaraan wax looga ceensho hantida saaran.
Wixii ka soo kordha waan idinla wadaagi doonaa inshaa allaah. alloow u fududee oo ku guulee.
Xigasho/Sawiro: www.kismaayo24.com
W/Q Maxamed Aadan Isxaaq.
Waxaa socda dadaalo loogu gurmanaayo doontaas u dabka qabsaday si uGu yaraan wax looga ceensho hantida saaran.
Wixii ka soo kordha waan idinla wadaagi doonaa inshaa allaah. alloow u fududee oo ku guulee.
Xigasho/Sawiro: www.kismaayo24.com
W/Q Maxamed Aadan Isxaaq.
Thursday, March 15, 2018
Daawo Sawirada: Xeebta Ceel-Macaan oo aad looga cabanaay.....
Dadweynaha ku nool Deegaanka Ceel-Macaan ayaa waxaa fara ba'an ku haya qalfoofta iyo haraadiga ka haray Maraakiib, Dooman iyo Shactaro hore oo burburay.
Birahaas mirirka ah ayaa waxaa ay dhibaato isug jirta dhaawac iyo burbur hantiyeed ka soo gaartaa dadka kaluumeeysatada u badan ee ku nool Deegaanka Ceel-Macaan,
Dadka Deegaanka Ceel-Macaan ku nool ayaa si naxariisi ay ku jirto waxa ay uga codsanaayaan cid alaale iyo cidii gacanka geysan karta maareeynta birasaah ku burburay xeebta ee dhibta ku haya Dad iyo Duunyo ba in ay u soo gurmadan.
Xigasho: Dalsoor Tv
W/D Maxamed Aadan Isxaaq
Birahaas mirirka ah ayaa waxaa ay dhibaato isug jirta dhaawac iyo burbur hantiyeed ka soo gaartaa dadka kaluumeeysatada u badan ee ku nool Deegaanka Ceel-Macaan,
Dadka Deegaanka Ceel-Macaan ku nool ayaa si naxariisi ay ku jirto waxa ay uga codsanaayaan cid alaale iyo cidii gacanka geysan karta maareeynta birasaah ku burburay xeebta ee dhibta ku haya Dad iyo Duunyo ba in ay u soo gurmadan.
Xigasho: Dalsoor Tv
W/D Maxamed Aadan Isxaaq
Wednesday, February 28, 2018
Daawo Sawirada: Hay'ada FOA oo tababar siineeysa haweenka ku nool xeebaha.
Halkan waa Magaalada Boosaaso, Hey'ada Cuntada iyo Hurumarinta beeraha ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan (FOA) ayaa waxaa ay tababar siineeysaa hablaha ku nool kaamamka barakacayaasha ee nawaaxiga xeebta dheer ee magaalada Boosaaso.
Haweenkan waxaa la barayaa sida looga faa'ideysto kaluunka, mudo dheerna loo keediyo, iyadoo la isticmaalaayo hanaanka qorax ku qalajinta.
Source:http://www.puntlandtrust.com/2018/01/blog-post_30.html
W/D Maxamed Aadan Isxaaq
Saturday, February 10, 2018
Daawo Sawirada: Dadaalo lagu badbaadinaayo Doon u raran ganacsato.
Waxaa si heer sare ah u socda dadaalo lagu badbaadinaayo doon u raran ganato, taasoo ku soo caarisay magaalada Boosaaso.

Howshaas balaaran waxaa si hagar la'aan ah uga qeyb qaadanaaya dhamaan shacab weynaha ku nool guud ahaan deegaanada Maamulka Puntland gaar ahaan magaalada Boosaaso.
Hosha waxaa ay socotaa muda ku siman sedex maalmood waxaana la dhisay in ka badan 200 mitir waxaa hada ka dhiman in doonta loo tago wax ka yar 50 mitir.

Waxaan alle ka rajeyneynaa in uu ku garab galo dadaaladoodaas oo ay ku guuleeystaan inshaa allaah kuna bad baadsadaan hantidaas ku sigatay in ay baaba' do taaasoo saameeyn weyn ku leh nolosha dad weyne tiro badan oo Soomaali ah.
W/Q Maxamed Aadan Isxaaq
Saturday, February 3, 2018
Halkuu ku dambeeyay mashruucii lagu dhigaayay qalabka FISH AGGREGATING DEVICES (FAD).
Ku dhawaad shan sano ka hor waxaa deegaana ku teetsan badda laga hir galiyay qalab ku cusub kalluumeeysatada Soomaalida qalabkaas oo loo yaqaan Fish Aggregating Device loona soo gaabiyo (FAD).
Qalabkaas wuxuu ahaa deegaan macmal ah oo uu kaluunka gabaadsado si uu uga bad baado kalluunka kale ee ugaarsada.
Qalabkaas meelaha laga hir galiyay waxaa ka mid ahaa Deegaanka Jazeera ee Gobolka Shabeelaha Hoose, si aan wax badan uga ogaado xaalka uu ku sugan yahay qalabkaas mudo shan sano ku dhaw ka dib ayaan taleefanka kula hadlay Salaad Jimcaale oo ka mid ah kalluumeeysatada ka howl gasha deegaankaas.
Mudane Salaad Jimcaale wuxuu ii sheegay in qalabkaas uu ka koobnaa la qeyb, in muda ahna lagu diirsaday laakiin ugu dambeeyntii uu qalabkii xargaha goostay qeybna ay soo caarisay oo ay banaanka u soo baxday qeybna ay bada raacday oo uu san sheegi karin meesha ay sida saxda ah uga baxday iyo in ay meel kale qabsatay.
Hadaba marka la helo qalab kaasoo kale waxaa muhiim ah in si fiican looga taxadaro ilaalinta iyo la socoshada xaaladaha uu ku sugan yahay fikrad fiicana laga qaato sida loo sameeyay si la isugu filnaado oo looga baaqsado ku tiirsanaanta kaalmo shisheeye.
W/Q Maxamed Aadan Isxaaq
Thursday, January 25, 2018
Maamuulka Soomaaliland ayaa Shatiyada kala noqotay maraakiibta ka kaluumeeysatad deegaanka uu maamulkaas ka arimiyo.
Wasaarada kalluumeeysiga iyo kheyraadka badda ee maamulka Soomaaliland ayaa shatiyada kala noqday dhamaan maraakiibta ka kaluumeeysata deegaanada uu ka arimiyo maamulkaas.
Waxa sababay in shatiyada la laabto ayuu wasiirka Kaluumeeysiga iyo Kheyraadka bada ku sheegay kala fogaasho qiimaha shatiyada lagu qaato iyo wax soo saarka maraakiibtaas oo aad u sareeya.
Hadaba arintaas ayaan wax ka weydiiyay Daahir Cabdule Ali oo ah aqoon yahan Soomaalyeed oo aad ugu dhuun duleela xaaladaha dalka iyo dadka.
Su'aal: Maxeey kula tahay shatiyada lagala noqday maraakiibta ka kaluumeeysta deegaanada maamulka Soomaaliland uu ka arimiyo?
Daahir Cabdule Ali: Waxeey ila tahay in ay sax tahay arintaas waayo dhaqaalaha lagala baxo badeena sanadkii waxaa lagu qiyaasaa maalaayiin dollar, qiimaha shatiyada lagu jartana waa wax ka yar mal yan una dhaweyn marka wax faa'ido ah oo dadka iyo deegaankaba ugu jiro malaha fasaxaas.
Su'aal: Dhanka dhaqaalaha iyo daqliga dawlada sow saameeyn kuma yeelaneyso joojinta daqligii laga heli jiray bixinta shatiyada?
Daahir Cabdule Ali: Waxaan aaminsanahay in ay awalba wax saameyn weyn ku leh daqliga dowlada aysan aheyn, sidaan kuu sheegayna waxaa aad uga badnaa qasaaraha ay geesan jireen maraakiibtaas waayo majirto cid koontarooli jirtay hab dhaqankooda shaqo markoodii horena lama waafajin hanaanka saxda ah ee shatiyada lagu bixiyo caalamka, waxaa la dhihi karaa waxaa ay howshu ku socotay si musuqmaasuq ah maadaama ay san dad iyo dalkaba faa'ido ugu jirin bixinta shatiyadaas.
Su'aal: Malaga yaabaa in ay iska sii wataan howshoodii oo ay san u joojin shatiyadii laga qaaday maadaama ay xog ogaal u yihiin awooda maamulka iyo koontarool yarida jirta?
Daahir Cabdule Ali: Waa suurto gal maxaa yeelay awalba lama hubin in ay si sax ah ugu hogaan samaan fulinta wixii lagu balamay markii la siinaayay shatiga ama ogolaashaha, waxaa kaloo sii dheer waxaa ay xog ogaal u yihiin dacaya ka jira bada iyo sida sharci darada ah ee looga kaluumeeysanaayo.
Su'aal: Aan kaa dhex galo maxaad ku talin la heyd hada? sidee looga hortagi karaa xaalufinta balaaran ee lagu hayo badda?
Daahir Cabdule Ali: Waad mahadsan tahay, waa in ay maamulada iyo dowlada dhexe iska kaashadaan sidii looga hortagi lahaa xaalufinta ba'an ee lagu hayo bada taasoo saameeynteeda meel walba laga dareemay, waa in ay dhistaan ciidamo tayo leh oo ugu yaraan gacan ka geeysta in laga hor istaago maraakiibta sharcidarada ah kusoo dhawaashaha xeebaha dhaw dhaw bad weynta allaa loo qabaa inta ay dowladnimada caga fiican uga istaageeyso.
Ocean Care Somalia Waad ku mahadsan tahay sida aan noola wadaagtay waqtigaaga qaaliga ah Mr Daahir Cabdule Ali.
Daahir Cabdule Ali: Idinkaa Mudan, Halkiina ka sii wada howsha qiimaha badan ee aad Dalka u heeysaan.
W/Q Maxamed Aadan Isxaaq
Subscribe to:
Posts (Atom)