Our Visitors

Flag Counter

Saturday, January 31, 2026

Shirarka looga hadlo isbadalka Cimilada aduunka iyo Saameeynta ay bad iyo Beriba ku leedahay

 Waxaan badanaa maqalnaa Shirar caalami ah kuwaasoo looga hadlo laguna gorfeeyo saameeynta isbadalka cimilada aduunka ay ku leedahay wadamada soo koraayo oo uu wadankeenu ku jiro, waxaana shirarkaas nagu matala wafuud ka socota Dalkeena kuwaasoo ka yimid wasaaradaha iyo hey'adaha dowlada.

Su aasha isweeydiinta mudani waxaa ay tahay, qaab noocee ah ayeey noola wadaagaan firiinta ay halkaas kala soo laabtaan, Maxeeyna halkaas ku soo bandhigaan oo ay dhibka iyo saameeynta isbadalka cimilada wadanka ugeeysatay iyo meelaha ay taabtay kaga xusaan?

Ocean Care Movement Center Somalia waxaa ay aad u dhiiri galineysaa bogaadineeysaana dadaalka ay dowlada Soomaaliya ku bixineeyso in wadankeenu uu ka dhex muuqdo bulsho weynta caalamka lana wadaago dhibta dadkeena iyo dalkeena ka heysta isbadalka cimilada aduunka wax badana lagaga soo faa'ido sidii aan arintaas ugubka nagu ah u la tacaali laheyn xal sal lehna ugu heli laheyn.

Sidoo kale Ocean Care Movement Center Somalia waxaa ay soo jeedineeysaa in la sameeyo barnaamisho joogta ah oo lagugu wacyi galinaayo bulashada garaadkooda iyo fahamkooda ku aadan isbadalka cimiladana lagu kobcinaayo si ay ugu istaagaan wax ka qabashadeeda iyo ka hortageedaba.


W/Q: Mohame Adam Ishak

Wednesday, December 31, 2025

Ganacsiga kaluunka/malaayga ma tahay ganacsi la isku haleeyn karo

 Ganacsiga Malaayga/Kaluunka waxaa uu door weyn ku leeyahay noolasha kumanaan Soomaali ah ku waasoo si toos ah iyo si dadbanba ugu tiirsan daqliga laga helo kheyraadka bada.

Hadaba su aasha taagan waxaa ay tahay ma yahay ganacsi la isku haleeyn karo oo joogta ah?

Cilmi baaris kooban oo lagu sameeyay bulshada sida tooska ah ugu tiirsan ka ganacsiga malaayga/kaluunka waxaa lagu ogaaday in daqli sanadeedkoodu uu san ka soo wada xaroon ka ganacsiga malaayga/kaluunka oo ay jiraan xirfado kale oo ay ku kabaan noloshooda sida:

  1. Ka shaqeynta Dhismaha
  2. Xamaalka
  3. Dalaalnimada.
  4. Nadaafada iyo kuwo kale.
Maxaa sababay in aan si buuxda la iskugu haleeyn ka ganacsiga Malaayga/Kaluunka iyadoo Soomaaliya ay tahay wadanka koobaad ee ugu xeebta dheer Wadamada beri biyoodka ah ee qaarada Afrika?

Jawaabta su aashaas waxaan u daayay in ay ka fikiraan dadka Soomaaliyeed ee sida tooska ah ugu tiirsan Kheyraadka bada.

W/Q: Mohamed Adam Ishak

Sunday, November 30, 2025

Dib u eegis hadii uu jiro isbadal la taaban karo iyo in kale

 Waxaan si dhaw isha ugu soo heenay una kuur galeenay Malaayga nooca loo yaqaano Jeedarka/Tabadinka ama (Tuna)

Friday, October 31, 2025

Wali lama haayo isbadalkii la filaayay

 Wali waxaa aad u yar helidda malaayga noocii aad loo filaayay helidiisa xiligaan deerta ah kaa soo ah nooca loo yaqaan Jeedar/Tabadin ama (Tuna)

Tuesday, September 30, 2025

Dadaalka kaluumeeysatada dalka waa mid mudnaantiisa leh

 Intii ka dambeeysay burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya waxaa dalka ku habsaday guud ahaan dib u dhac iyo kala daad dhamaan adeegyada guud ee laga heli jiray dowladii dhexe iyo Iskaashatooyinkii awooda u lahaa haqabtirka baahiya bulshada, dhinacyada beeraha iyo kaluumeeysigaba.

Laakiin waxaa si sharaf iyo mudnaan leh isku xilqaamay, haraagii ka haray shaqaalihii Iskaashatooyinkii hore iyo wasaaradihii dowladii dhexe, kuwaasoo dhexda u xirtay buuxinta kaalintaas ku soo banaanaatay bulshada in la buuxiyana ay tahay lagama maarmaan.

Waxaan xasuustaa kaluun fresh ah oo diyaar ku ah kawaanka malaayga ee xaafada aan ku dhashay ee Madiina gaar ahaan Degmada Wadajir.

Wax sahlan ma aheyn xiligaas in la helo kaluun ama malaay fresh xiliaag aroorta ah sababo amaan dartood waayo waxaa aad u badnaa dhaca iyo dilka maalaa yacniga ah ka dib markii qof walbaa uu helay qori si sahlan.

Run ahaantii dadaalka kaluumeeysatada dalka waxaa uu mudan yahay maamuus iyo qadarin.


W/Q: Mohamed Adam Ishak

Sunday, August 31, 2025

Waxaa aad hoos ugu dhacay helida malaayga loogu jecel yahay gudaha Dalka

 



Lama oga sababta ka dambeeysa hoos u dhaca weyn ee ku yimid malaayga loogu jecel yahay gudaha dalka iyo waliba caalamka.

Malaaygaas mid kale ma aha ee waa nooca loo yaqaan Jeedarka/Tabadinka ama (Tuna) kaasoo aad loogu xisaabtamo ka ganacsigiisa aadna loogu xisaabtamo.

Dhibka naga heeysta maareeynta iyo la socoshada waxa ku soo kordha xeebaheena waxaa ugu wacan aqoon iyo agab la aan baahsan oo naga heeysata dhankaas.

W/Q: Mohamed Adam Ishak

Wednesday, July 30, 2025

Maxaa u xal ah kaluumeeysiga sharcidarada ah ee badeena ka jira

 





















Waxaa si aan kala sooc laheyn loo xaalufinayaa oo loo dabar jarayaa dhamaan kheyraadka baddeena kaasoo ah dhaxalka umada Soomaaliyeed.

Ka dib burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya badeena waxaa ey ka mid noqotay meelaha uu soo gaaray dayaca ugu badan ee ku habsaday dalka.

Waxaa u soo shaqo tagay wadamo badan oo caalamka haba ugu badnaadaan kuwa nagu xeeran ee aan wadaagno xuduud biyood iyo mid biri ahba, kuwasoo hormuud ka noqday dhaca iyo boobka lagu haayo hantida umada Soomaaliyeed ee beylahda ah.

Waxaa si weyn loo dareemay maqnaanta ciidankii xooga dalka ee difaaci jiray Bad Cir iyo Dhulba, kuwaasoo ku bururay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.












Qeybo ka mid ah gobolada dalka waxaa quus laga gaaray maarkiibta shisheeye ee raxan raxanta u socota ee sida indho la'aanta ah u xaalufinaaya dhamaan kheyraadka bada iyagoo waliba isticmaalaaya shabaagyo laga mamnuucay caalamka saameentooda xun ee ay ku leeyihiin Deegaanka.

Soomaaliya oo hada ku jirta xaalad soo kabasho ah oo aan cago adag ku taagneyn ayaa waxaa socda dhismaha ciidamada Bada kuwaasoo kaalmo ka helaaya wadamo uu ka mid yahayTurkiga.

Rajada umada Soomaaliyeed maalinba maalinta ka danbeeysa waa ey sii xoogeeysaneysaa iyagoo ku sii tilaabsanaaya horumaro la taaban karo.

W/Q: Mohamed Adam Ishak