Our Visitors

Flag Counter

Thursday, February 29, 2024

Heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga wuxuu ku soo aaday xili aad loogu baahnaa


 Heshiiska iskaashiga ganacsiga iyo militariga ee ay gaareen Soomaaliya iyo Turkiga waxaa uu soo beegmay xili ku haboon sababo badan dartood.

Burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya Baddeena dheer waxaa ay aheyd mid ka mida meelaha ugu dayacan dalkeena hadii aysanba aheyn meesha koobaad.










Dowladihii iyo maamuladii dalka soo maray ee kala da dambeeyay waxaa ay mid kastaa isku dayday in ay si un u maareeyso howsha ku aadan badda iyo sidii loogu heli lahaa gacan aamin ah illaa iyo xad oo lala wadaag mas'uuliyadaas culus.

Waxaa jiray heshiisyo badan oo lala galay kambaniyo iyo wadamo badan si loo buuxiyo booskaas weyn ee banaan.

Si kastoo ay ahaataba hada waxaa taagan tahay Dalka Turkiga oo aan saaxiib dhaw nahay xiliyadaan dambe dan iyo daruufo badana ay inaga dhexeeyaan.











Culeyskii ka yimid dowlada aan dariska nahay ee Itoobiya kaasoo ay ku dooneeyso in ay ku qaadato qeyb weyn oo badda iyo dhulka Soomaalyeed ka mid ah ayaa soo dadajiyay in Wadanka Turkiga lala galo heshiis Milateri si ay gacan uga geeystaan xal u helida dayaca heysta baddeena.

Run ahaantii waa fikir macquul ah in inta aan ka dhisaneyno ciidan awood u leh in uu kaalintaas qaato la helo cid kaloo lagu aamini karo Baddeena.

Waxaan rajeyneynaa in ay wax weyn iska badali doonaan boobkii iyo wasaqeyntii baddeena lagu hayay taasoo saameeyn iyo cawaaqib xoog leh ku yeelatay sixada iyo wax soo saarka.


W/Q: Mohamed Adam Ishak

Saturday, February 3, 2024

Maxaa ka jira in ay dib u soo rogaal celiyeen burcad badeedii xeebaha Soomaaliya?


 

Warbaahinta caalamka waxaa ay hadal hayaan dhawaanahaan in ay dib u soo rogaal celiyeen burcad badeedii ka jiri jiray xeebaha wadankeena Soomaaliya.

Hadaba Maxaa ka jira arintaas? Qormadeena bishaan oo aan soo hormarinay waxaan uga hadli doonaa haduu eebe weyne ka raali noqdo barnaamishkaas ku saabsan soo laabashada burcad badeedii xeebaha Soomaaliya laga cirib tiray sanado badan ka hor iyo cadeemaha lagu xaqiijinaayo jiritaanka arintaas.

Sidaad wada ogtihiin burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya ka dib waxaa dacay guud ku dhacay dhamaan qarankii Soomaaliya dhul cir iyo badba.

Bada ha igu sii darnaatee waxaa ay ay magan u noqotay qowleeysato aan u diir naxeeyn deegaanka iyo kheyraadka badda nooc kastoo ay yihiin kuwaasoo si arxan daro ah ugu isticmaali jiray shabaago aduunka intiisa kale laga mamnuucay markii la arkay dhibka ay iyo dabar gooyta ay u geeysanaayaan dhamaan kheyraadka badda.

Waxaa intaas dheer kuwo kale oo badda u isticmaali jiray goob ay ku soo fogeeyaan qashinka iyo haraaga kiimikooyinka warshadaha dalalkooda, taasoo iyadana badeena u geeysatay dhibaato baaxad weyn leh.

Dadkeena Soomaalida ahi aad ayeey ugu yartahay fahanka dhibaatada ku dhacday badeena inta ay la eg tahay laakiin waxaa xaqiiqo ah in inta ay nooloshoodu badda ku xiran tahay iyo inta ku nool daafaheeda ay si fiican uga dharagsan yihiin isbadalada iyo xaalahada ka dhashay gurashada kaluunka ee xad dhaafka ah iyo wasaqeeynta bada.

Marka laga soo tago labadaas qodob ee aan kor ku soo sheegay qodob sadexaad oo saameeyntiisa leh kaasoo ah in ay jiraan ciidamo shisheeye ah oo lagu sheego in ay xeebaha dalka u joogaan waxa loogu yeero la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya, kuwaasoo aan wax ba ka qaban gurashada sharcidarada ah ee kheyraadka badda. iyagana waxaa ay wataan dano gaar ah sida in badan dhacdayna waxaa ay si sharci daro ah u qab qabtaan kaluumeeysato Soomaaliyeed oo ku guda jira shaqo maalmeedkoodii caadiga ahaa iyagoo dusha ka saara in ay yihiin burcad badeed.

Soo nasiib daro ma ahan in cid kastaa ay police ka noqoto badeena iska xir xirato muwaadineentii Soomaaliyeed ee dalkooda iyo ka dhex shaqeysanaayay?

Waxaan Dowlada Soomaaliyeed kula dardaarmi lahaa in il gooni ah lagu fiiriyo waxa ka jira baddaheena waliba waqtigaan xasaasiga ah, si aysan dib dambe noogu soo laaban in ajaanib hadba shaar gooni ah wadataa ay dadka iyo dalkaba sideey doonaan ugu tagri falaan sidii dhici jirtay sanadihii hore oo kale.

W/Q: Mohamed Adam Ishak