Our Visitors

Flag Counter

Sunday, April 22, 2018

Maxaa sababy kaluun yarida jirta isbuucaan.....





















Isbadal weyn oo deg deg ah ayaa ku yimid sicirka iyo qiimaha lagu kala gato kaluunka ee suuqyada magaalada Muqdisho.

Isbadalkan dhanka qiimaha ah ayaa yimid ka dib isbuucyo kaluunku uu aad u jabnaa qiima ahaan,

Waxaa sababay sara u kaca qiimaha lagu kala iibsado kaluunka ayaa loo aaneeynayaa isbadal xaga cimilada ah oo ka jira dhinaca bada, kaa soo sababay in uu yaraado wax soo saarkii kaluunka.

Waxaan wax ka weydiyay Salaad Jimcaale oo ka mid ah ganacsatada sida weyn uga ganacsada kaluunka ee magaalada Muqdisho, Salaad waxaa uu ii sheegay in badii ay u isu badashay sida Xagaagii oo kale oo ay xoog yeelatay taasna ay sababtay in ay ka cabsadaan doomaha qaar galida bada.

Waxaan rajeynaynaa in sicirka kaluunka uu ku soo noqon doono sidii uu ahaa isbuucyadii la soo dhaafay inshaa allaah.

W/Q Maxamed Aadan Isxaaq

Thursday, April 19, 2018

Tijaabadii iigu horeysay ee Xarshaasho/Qabaanqab (Mud Crab)




Waxaa ay aheyd maalin Jimco ah cimiladuna ay aad u wanaagsan tahay, sida caadada inoo ah Jimcaha aniga iyo caruurteyda waxaan aad naa Kaluumeeysi iyo dabaal, waayo waa maalinta kaliya aan fursad u wada heysano in aan kulana sameynana waxa aan ku wada qanacsanahay.

Maxaa yeelay lixda maalmood ee kale waxaan mashquul ku nahay waxbarasho iyo shaqo.

Jaceylka bada iyo kaluumeeysiga waxaa uu mudo dheer noo ahaa dareen aan si guud u wadaagno qoys ahaan waloow ay waayadaan dambe naga weecdeen group aad ula dhacsan kubada cagta ciyaarteeda iyo daawashadeedaba, kuwaasoo aad u doorbida in Jimcaha meel aan kubad aheyn aysan kaga bixin.

Si kastaba Maalintan waxaan ku guuleeysanay in aan bada wada aadno iyadoo uusan jirin qilaaf iyo caga jiid toona.

Dabaal iyo damaashaad ka dib waxaan bilownay in aan indho indheeyno xeebta oo aan socod lugo baxsi ah ku mar marno xeebta inagoo ku raaxeeysaneyna neecaawda macaan ee bada taasoo nagu caawisay in aanaan dareemin cadceeda kul dhexaadka ah ee maalintaas jirtay.

In cabaar ah markaan wada soconay qof walba waxaa uu galay mashquul isaga u qaas ah nasiib wanaag aniga waxaa i wehliyay Luqmaan yare oo aan sheekada iyo indho indheyntaba si gaar ah u wadaageynay.

Waxaan gacanta ku sitay ul aan marna ku taagsanaayay marna u isticmaalaayay in aan ku sahmiyo meelaha aan gacanta la gaari karin in aan u foorarsado ama aan u fadhiistana aanan rabin.

Si kadis ah ayaan hortayda uga dareemay muuqaal cagaaran oo biyaha ku sii libdhaaya iyo shanqar sababtay in aan dareen dhaw siiyo waxa uu ahaa waxa biyaha isku tuuray marka uu na arkay kadib.

Nasiib wanaag waxaa ay noqotay nooc ka mid ah noocyada aduunka loogu jecel yahay ee Xarshaashada ama Qabaanqabta taaasoo afka qalaad lagu dhaho (Mud Crab).

Isla markii waxaan dareemay dareen yadiidilo leh foojignaan ay xamaasad iyo xiiso balaaran ku dheehan tahay.

Aniga iyo Luqmaan yare waxaan biloownay in aan meesheey nala gaarto kaga soo harno qabshada Xarshaashada/Qabaanqabta anigoo sameynay wax kasta oo aan ku qaban karno.

Nasiib wanaag dadaal iyo daal ka dib gacanta ayaan ku soo dhignay waxaa ayna noqotay Xarshaashadii/Qabaanqabtii ugu horeeysay ee aan shaqsiyan tijaabiyo.

Wali waan xusuustaa dareenka caruurteyda iyo waalidkey sida uu ahaa markaan dhahay waxaan rabaa in aan tijaabiyo Xaraashadaan/Qabaanqabtaan laakiin ugu dambeyntii waa ay iga yeeleen in aan tijaabadeyda sii wato.

Waxaan aad ula yaabay sida ay san waxba uga duwaneyn dhanka dhadhanka iyo muuqaalkaba Aaragoosatada waxaanba is leeyahay qaarkood iyadaa ka sii wanaagsaneyd.

W/Q Maxamed Aadan Isxaaq

Sunday, April 15, 2018

Suuqyada Kaluunka/Malaayga lagu gado ee Muqdisho iyo maanta....


























Waxaa aad hoos ugu dhacay sicirka lagu kala gato Malaayga/Kaluunka ee suuqyada magaalada Muqdisho.

Hoos u dhacan dhanka sicirka ah ayaa loo sababeeynayaa ka dib markii ay bateen dadka maal gashanaaya kaluumeeysiga.

Waxaa aad u soo batay doomaha u kaluumeesi taga bada ku waasoo sanado ka hor aad u koobnaa. Dadka isticmaalo kaluunka ayaa aad u soo dhaweeyay hoos u dhaca dhanka sicirka ah ee kaluunka kuwaasoo sheegay in ay hada awoodi karaan in ay kaluun cunaan dhowr maalmood sitimaankii.

Kiilada Malaayga/Kaluunka loo yaqaan Yuumbiga ayaa horey lakala siisan jiray in ka badan $10 doollarka mareykanka ah halka ay hada ka mareyso wax ka yar $3 doollarka mareykanka ah

Waxaa kaloo lamid ah Malaayga/Kaluunka loo yaqaan Jeedarka kaasoo markiisii hore lakala siisan jiray in ka badan $8 doollar ka mareykanka ah.

"Xawaan ku jirnaa nimcatul fushuuq waxaan allaah ka baryeenee in uu wadankeena noo barakeeyo" ayey tiri hooyo Soomaaliyeed oo kaluun ka soo iibsatay kawaanka malaayga ee Xamar-Weyne.




























W/Q Maxamed Aadan Isxaaq

Monday, April 9, 2018

Haan weyn oo kusoo caarisay Xeebta Ceel Macaan (Daawo Sawirada)




























Haan weyn oon wali la ogaan waxa ku dhax jira ayaa kusoo caarisay Xeebta Dekadda Ceel Macaan ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana halka ay taalo haantaasi booqday masuuliyiin katirsan maamulka Hirshabelle.
Shacabka ku dhaqan Ceel Macaan ayaa cabsi xoogan ka qaba haantaasi kusoo caarisay, waxa ayna shacabku ka cabsi qabaan in haantaasi ay ku jiraan kiimo iyo waxyaabo kale oo nolosha halis galin kara.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dekada Gadiidka ee Maamulka Hir-Shabeelle  Xuseen Tuuryare oo booqday halka haanan kusoo caarisay sheegay in baaritaan lagu wado haantan oo ah mid daboolan oon la ogeyn waxa ay tahay iyo waxyaabaha ku jira.
Waxa uu uga digay Wasiirka bulshada ku dhaqan Ceel Macaan in ay ka fogaadaan haantan soo caarisay oo laga yaabi karo in ay ku jiraan waxaabo kiimiko ah oo dhibaato gaarsiin kara bulshada.
Xeebaha Soomaaliya ayaa marar badan waxaa kusoo caariyay haaman iyo waxyaabo kale kale, waxaana biyaha Soomaaliya noqdeen meel lagu daadiyo qashinka iyo sidoo kale waxyaabaha kale ee kiimikada ah.


 
W/D Maxamed Aadan Isxaaq

Tuesday, April 3, 2018

Sicirka Kaluunka/Malaayga Jeedarka/Tabadinka uu ka maraayo suuqyada magaalad Tookiyo oo waali noqday !!!!


























Kaluunka Jeedarka ama Tabadinka loo yaqaan ayaa qiimo sare ka maraaya suuqyada magaalada caasimada ah u ah dalka Japan ee Tokyo.

Kaluunkan oo aad looga isticmaalo wadanka Japan ayaa lagu kala iibsanayaa lacag boqolaal kunoo dollar ah, tusaale midka uu culeyskiisa dhan yahay 430 kg ayaa alagu kala iibsanayaa lacag dhan $323,000 sedex boqol labaatan iyo sadex kun oo doolar, taasoo kiilada ka dhigeysa in ka badan $750 dollar todobo boqol iyo konton dollar.

Hadaba dalkeena kiiladii meeqeey ka tahay. Kiilada Jeedarka ama Tabadinka waxaa uu suuqyada ka maraayaa wax ka yar $5 dollar shan doolar isagoo fresh ah oo hada la soo qabtay ma ahan mid baraf iyo qabow uu dishay oo key galay.

Waxaa iska cad hadii la heli lahaa suuq geyn wanaagsan iyo shirkado u diyaarsan in lacag tiro badan laga faa'idi lahaa dad badana laga shaqaaleeyn lahaa.































W/Q Maxamed Aadan Isxaaq