Our Visitors

Flag Counter

Sunday, April 28, 2024

Malaay yare aad ah ayaa ka jirta Suuqyada Malaayga

Laga soo bilaabo horaantii bishii tagtay ee Maarso ilaa iyo hada waxaa jira malaay yari aad ah taasoo sameeysay dhamaan Suuqyada Kaluunka dalka gaar ahaan kuwa caasimada iyo deegaanada ku dhaw-dhaw. 

Si aan u xaqiijino arintaas waxaan la xiriirnay shaqsiyaad kala duwan oo ku kala sugan magaalada Muqdisho iyo Gobolka Sh/Dhexe. 

Waxaa ay noo cadeeyeen jiritaanka xaaladaas iyo saameeynta ay ku yeelatay dhamaan bulshada qeybaheeda kala duwan. 

Wali si cad looma oga waxa sababay hoos u dhacaas waloow ay jiraan fikiro badan oo la isla dhex maraayo. 

Xiligaan oo ahaan jiray xili ka mid ah kuwa ugu fiican marka ay timaado wax soosaarka kheyraadka bada ayaa noqday mid aan waxba laga faaidin sanadkaan. 

Mudo dheer badaheena waxaa lagu hayay tacadiyo isugu jira kaluumeeysi sharci daro ah iyo ku daadin qashin aan kala sooc laheyn kaasoo dalka iyo dibadaba looga shubaayay Bada. 

Waxaan rajeneynaa in ay wax badan isbadali doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan Inshaa Allaah. 

W/Q: Mohamed Adam Ishak 

Friday, March 29, 2024

Dadaalka Shacabka ee Nadaafada Xeebaha Caasimada

Shacabka ku nool magaalada muqdisho ayaa si iskood ah isugu xilqaamay in ay gacan ka geeystaan nadaafada xeebaha ku teedsan caasimada dalka ee Muqdisho.

Howlo nadiifin xeebaha caasimada ayeey mudo ka wadaan nawaaxiga xeebta caanka ah ee liido, kuwaasoo tusaale fiican oo ku dayasho mudan u ah dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku kala nool daafaha dalka qaas ahaan ku gobolada dhaca xeebta dheer ee dalkeena eebe ku maneeystay.




Waa sababta keentay in aan dhawr qormo uga hadlo shacabkaas is abaabulay ee u tafaxeeytay sidii ay wax uga qaban lahaayeen qashinka tirada badan ee daadsan xeebaha ku teedsan Caasimada kuwaasoo qatar ku ah dad iyo duunyaba.

Waxaan aad ugu mahad celinaayaa dhamaantood dadaalkaas qiimaha weyn leh ay si iskood ah iskugu xilqaameen waxaana ku rajo weynahay in ay tusaale u noqon doonaan shacab kaloo fara badan Inshaa Allaah.

Waa mid ka mid ah u jeedooyinkii loo aas'aasay Xarunta Dhaq-Dhaqaaqa Daryeelka Xeebaha Dalka, maxaa yeelay qashinka iyo daadsan xeebaha dalka waa qatar aan la iska indho tiri karin kuwaasoo galaaftay nafta dad iyo duunyo fara badan, deegaankana dhib weyn ku haaya.

Juquraafi ahaan halka uu ku yaalo dalkeena iyo dalalka qaarada Asia ee aan xad wadaaga ka nahay bad weynta hindiya waxaa ay noo sahleysaa in wax kastoo lagaga soo shubo dhanka wadamadaas in xiliga ay dabeeshu isbadasho ay ku soo caariyaan ama ka soo baxaan xeebaheena.

Waxaa intaas noo sii dheer shacabka Soomaaliyeed oo si aan kala sooc laheyn qashanka ugu shuba nawaaxiga xeebaha ku waasoo iyagana qeyb kaloo weyn ku leh qashinka ceegaaga xeebaha iyo gudaha badaba.

W/Q: Mohamed Adam Ishak 

Thursday, February 29, 2024

Heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga wuxuu ku soo aaday xili aad loogu baahnaa


 Heshiiska iskaashiga ganacsiga iyo militariga ee ay gaareen Soomaaliya iyo Turkiga waxaa uu soo beegmay xili ku haboon sababo badan dartood.

Burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya Baddeena dheer waxaa ay aheyd mid ka mida meelaha ugu dayacan dalkeena hadii aysanba aheyn meesha koobaad.










Dowladihii iyo maamuladii dalka soo maray ee kala da dambeeyay waxaa ay mid kastaa isku dayday in ay si un u maareeyso howsha ku aadan badda iyo sidii loogu heli lahaa gacan aamin ah illaa iyo xad oo lala wadaag mas'uuliyadaas culus.

Waxaa jiray heshiisyo badan oo lala galay kambaniyo iyo wadamo badan si loo buuxiyo booskaas weyn ee banaan.

Si kastoo ay ahaataba hada waxaa taagan tahay Dalka Turkiga oo aan saaxiib dhaw nahay xiliyadaan dambe dan iyo daruufo badana ay inaga dhexeeyaan.











Culeyskii ka yimid dowlada aan dariska nahay ee Itoobiya kaasoo ay ku dooneeyso in ay ku qaadato qeyb weyn oo badda iyo dhulka Soomaalyeed ka mid ah ayaa soo dadajiyay in Wadanka Turkiga lala galo heshiis Milateri si ay gacan uga geeystaan xal u helida dayaca heysta baddeena.

Run ahaantii waa fikir macquul ah in inta aan ka dhisaneyno ciidan awood u leh in uu kaalintaas qaato la helo cid kaloo lagu aamini karo Baddeena.

Waxaan rajeyneynaa in ay wax weyn iska badali doonaan boobkii iyo wasaqeyntii baddeena lagu hayay taasoo saameeyn iyo cawaaqib xoog leh ku yeelatay sixada iyo wax soo saarka.


W/Q: Mohamed Adam Ishak

Saturday, February 3, 2024

Maxaa ka jira in ay dib u soo rogaal celiyeen burcad badeedii xeebaha Soomaaliya?


 

Warbaahinta caalamka waxaa ay hadal hayaan dhawaanahaan in ay dib u soo rogaal celiyeen burcad badeedii ka jiri jiray xeebaha wadankeena Soomaaliya.

Hadaba Maxaa ka jira arintaas? Qormadeena bishaan oo aan soo hormarinay waxaan uga hadli doonaa haduu eebe weyne ka raali noqdo barnaamishkaas ku saabsan soo laabashada burcad badeedii xeebaha Soomaaliya laga cirib tiray sanado badan ka hor iyo cadeemaha lagu xaqiijinaayo jiritaanka arintaas.

Sidaad wada ogtihiin burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya ka dib waxaa dacay guud ku dhacay dhamaan qarankii Soomaaliya dhul cir iyo badba.

Bada ha igu sii darnaatee waxaa ay ay magan u noqotay qowleeysato aan u diir naxeeyn deegaanka iyo kheyraadka badda nooc kastoo ay yihiin kuwaasoo si arxan daro ah ugu isticmaali jiray shabaago aduunka intiisa kale laga mamnuucay markii la arkay dhibka ay iyo dabar gooyta ay u geeysanaayaan dhamaan kheyraadka badda.

Waxaa intaas dheer kuwo kale oo badda u isticmaali jiray goob ay ku soo fogeeyaan qashinka iyo haraaga kiimikooyinka warshadaha dalalkooda, taasoo iyadana badeena u geeysatay dhibaato baaxad weyn leh.

Dadkeena Soomaalida ahi aad ayeey ugu yartahay fahanka dhibaatada ku dhacday badeena inta ay la eg tahay laakiin waxaa xaqiiqo ah in inta ay nooloshoodu badda ku xiran tahay iyo inta ku nool daafaheeda ay si fiican uga dharagsan yihiin isbadalada iyo xaalahada ka dhashay gurashada kaluunka ee xad dhaafka ah iyo wasaqeeynta bada.

Marka laga soo tago labadaas qodob ee aan kor ku soo sheegay qodob sadexaad oo saameeyntiisa leh kaasoo ah in ay jiraan ciidamo shisheeye ah oo lagu sheego in ay xeebaha dalka u joogaan waxa loogu yeero la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya, kuwaasoo aan wax ba ka qaban gurashada sharcidarada ah ee kheyraadka badda. iyagana waxaa ay wataan dano gaar ah sida in badan dhacdayna waxaa ay si sharci daro ah u qab qabtaan kaluumeeysato Soomaaliyeed oo ku guda jira shaqo maalmeedkoodii caadiga ahaa iyagoo dusha ka saara in ay yihiin burcad badeed.

Soo nasiib daro ma ahan in cid kastaa ay police ka noqoto badeena iska xir xirato muwaadineentii Soomaaliyeed ee dalkooda iyo ka dhex shaqeysanaayay?

Waxaan Dowlada Soomaaliyeed kula dardaarmi lahaa in il gooni ah lagu fiiriyo waxa ka jira baddaheena waliba waqtigaan xasaasiga ah, si aysan dib dambe noogu soo laaban in ajaanib hadba shaar gooni ah wadataa ay dadka iyo dalkaba sideey doonaan ugu tagri falaan sidii dhici jirtay sanadihii hore oo kale.

W/Q: Mohamed Adam Ishak

Tuesday, January 30, 2024

Heshiiska Ethiopia iyo maamulka Hargeysa muxuu dabada ku wataa


 

Waxaa 1 dii bishan magaalada Addis Ababa ee dalka aan dariska nahay ee Ethopia lagu saxiixay wax loogu yeeray heshiis isfahan, kaasoo u dhexeeyay dowlada Ethopia iyo maamulka Hargeysa. 

Hishiiskaas Soomaali badan waxaa uu qalbiyadooda ku soo riday cawaaqibkii lagala kulmay heshiiskii isfahan ee Kenya lala galay dhawr iyo toban sano ka hor kaa soo ugu danbeeyntii sababay dagaal diplomaasiyadeed oo ku soo gabagawooway Maxkamad iyo in ay Kenya u xalaaloowdo in ka badan 50 killometer biyaha Soomaaliya.

Dadka qaarkii waxaa kaloo ay tusaale u soo qaataan dhul xeebeedka Kenya ee Mombasa kaa soo dadkii halkaa daganaa lagu qanciyay in ay Kenya ka sii mid ahaadaan 50 sano oo kaliya kadibna ay noqdaan dal iskii u taagan oo Kenya ka madax banaan, taasoo noqotay riyo aan waligeed rumoobeen.

Hadaba Ethiopia qorshaheedu waa noocee?

  1. Ma deked ganacsi ay kala soo degtaa?
  2. Ma deked ay iskeed u maamulato oo ay maalgashato maamushaana?
  3. Ma deked militaria oo ay ciidan ay iyadu leedahay maamulaan ganacantana ku hayaan baa? 
Su'aalahaas iyo kuwo kaloo badan ayaa la isweydiinayaa laakiin Ethiopia qorshaheedu waa qeybo ka mid ah su aalahaas iyo kuwo kaloo badan.

Ethiopia waxaa ay rabtaa ma ahan deked ay maagashato iyo mid ay agab kala soo degto ee waa mid ay ku dooneeyso deked iyo dhul Ethiopia bada ku xira oo ay ku sheegtay ilaa 50 killometer laakiin ugu danbeeyn lagu qanciyay in ay ku soo koobto 20 killometer kaasoo ay ka sameeysato deked iyo saldhig ciidamadeeda bada ah.

Mar uu hadlay ra'iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed Ali waxaa uu sheegay in ay rabaan in ay ka faa'ideeystaan kheyraadka ku jira bada nooc kastaa uu yahay sida,

  • Kalluunka
  • Macdanta
  • Shidaalka
Hadaba sidee macquul ku noqon kartaa in wadan uu wadan kale siiyo dhul intaas la eg si uu kala baxo wax kastoo kheyraad ah ee e dhex ceegaaga mudo 50 sano ah ka dibna uu dib uga guuro?

Soomaalida waxaa ay caan ku yihiin saadaalinta waxa dhici kara ama ku soo wajahan hadana kama gaashaantaan oo uma diyaar garoobaan.


WQ: Mohamed Adam Ishak



Sunday, December 31, 2023

Kacdoonka Xuutiyiinta Dalka Yemen ee Badda-Cas

 












Xuutiyiinta Dalka Yemen ayaa weeraro isdaba joog ah oo ay ku beegsanaayaan maraakiibta sida ay sheegeen gacan saarka la leh Israil iyo wadamada taageera ka wada Badda Cas.











Weeraradaas ayaa saameeyn weyn ku yeeshay guud ahaan Badda Cas kuwaasoo caqabado ku ah isku socodka ganacsiga xooga leh ee Badda Cas.











Wadankeenu waxaa uu ku jiraa wadamada ay taabaneeyso dhibaatada ka timid kacdoonka xuutiyiinka wadanka Yemen ee aan dariska nahay hadaba maxaa nala gudboon dowlad ahaan?

Inkastoo aysan wali awoodeenu dhameeystirneyn hadana waxaa lagama maarmaan ah in aan la imaano xal aan ku raadineeyno maslaxda Dadkeena Dalkeena iyo Danaheena Gobolka.

Waxaa aad u soo badanaaya wadamada quuddareenaaya in ay qeyb ka haadaan barnaamishka looga hortagaayo Kacdoonka iyo Weerarada Xuutiyiinta inkastoo aysan meesha ka marneyn danahooda gaarka ah.


W/Q: Mohamed Adam Ishak

Thursday, November 30, 2023

Xilina Fatahaad Xilina Abaar, Dhibaatada Isbadalka Cilimilada (Climate Chagne)ay Soomaaliya ku heyso


 Sanadkaaan waliba xiliga deerta waxaa ka dhashay fataah aad u balaaran oo gaartay ku dhawaad guud ahaan wadanka oo idil.

Waxaa ka dhashay dhibaatooyin isugu jira dhimasha dhaawac iyo barakac aad u weyn.

Hadaba maxaa keenay in wadankeena marna ay ka jirto Abaar marna ay ka jirto Fatahaad.

Waxaan jecleeystay in aan wax iska weeydiino Saameeynta isbadalka cimilada (climate change) ee wadankeena iyo sida aan ula tacaaleeyno ama inta uu gaarsiisan yahay fahanka iyo u diyaar garoowga bulshada Soomaaliyeed.


















Waxaa hubaal ah in fahanka bulashadeena Soomaaliyeed ee ku aadan isbadalka cimilada uu aad u hooseeyo wacyi galinta iyo tababarada ku aadana ay aad u yar yihiin kuna kooban yihiin gobolo ama magaalooyin faro ku tiris ah,

Marka laga soo tago in aan nahay umad muslim ah kuna kalsoon Eebe weyne hadana waxaa qalad ah in aan aan iska indho tirno xaqiiqooyinka dhacaaya ee aan u taaganahay una baahneeyn in nalooga sheekeeyo ama nala xusuusiyo.










Waxaan kula talinaayaa dhamaan maamulada ka jira dalka heer kastaa oo ay yihiinba in ay xil muuqda iska saaraan dhibaatadaas baaxada weyn leh ee guud ahaan caalamka ka jirta dalkeenanan ku soo laalaabatay sanado badan,

Waaa in lala yimaadaa qorshayaal cad cad oo sare loogu qaadaayo wacyiga umada Soomaaliyeed waxna looga qabanaayo dhibaatadaas na heysta ee waliba nagu soo noqnoqtay dhaqaalaheena dadkeena iyo deegaankeenana ku ah caqabada.


W/Q: Mohamed Adam Ishak