Our Visitors

Flag Counter

Thursday, November 30, 2023

Xilina Fatahaad Xilina Abaar, Dhibaatada Isbadalka Cilimilada (Climate Chagne)ay Soomaaliya ku heyso


 Sanadkaaan waliba xiliga deerta waxaa ka dhashay fataah aad u balaaran oo gaartay ku dhawaad guud ahaan wadanka oo idil.

Waxaa ka dhashay dhibaatooyin isugu jira dhimasha dhaawac iyo barakac aad u weyn.

Hadaba maxaa keenay in wadankeena marna ay ka jirto Abaar marna ay ka jirto Fatahaad.

Waxaan jecleeystay in aan wax iska weeydiino Saameeynta isbadalka cimilada (climate change) ee wadankeena iyo sida aan ula tacaaleeyno ama inta uu gaarsiisan yahay fahanka iyo u diyaar garoowga bulshada Soomaaliyeed.


















Waxaa hubaal ah in fahanka bulashadeena Soomaaliyeed ee ku aadan isbadalka cimilada uu aad u hooseeyo wacyi galinta iyo tababarada ku aadana ay aad u yar yihiin kuna kooban yihiin gobolo ama magaalooyin faro ku tiris ah,

Marka laga soo tago in aan nahay umad muslim ah kuna kalsoon Eebe weyne hadana waxaa qalad ah in aan aan iska indho tirno xaqiiqooyinka dhacaaya ee aan u taaganahay una baahneeyn in nalooga sheekeeyo ama nala xusuusiyo.










Waxaan kula talinaayaa dhamaan maamulada ka jira dalka heer kastaa oo ay yihiinba in ay xil muuqda iska saaraan dhibaatadaas baaxada weyn leh ee guud ahaan caalamka ka jirta dalkeenanan ku soo laalaabatay sanado badan,

Waaa in lala yimaadaa qorshayaal cad cad oo sare loogu qaadaayo wacyiga umada Soomaaliyeed waxna looga qabanaayo dhibaatadaas na heysta ee waliba nagu soo noqnoqtay dhaqaalaheena dadkeena iyo deegaankeenana ku ah caqabada.


W/Q: Mohamed Adam Ishak

Friday, October 27, 2023

Xiligaan ma ku haboon tahay in Shirkado Shisheeye lagu wareejiyo masuuliyada iyo amaanka badaha Soomaaliya

 











Waxaa dhawaanahaan soo shaac baxay heeshiis la sheegay in dowalada Soomaaliya la galeeyso kambani laga leeyahay wadanka Imaaraadka Carabta.

Kabanigaas waxaa uu la wareegi doonaa maareeynta iyo amaanka badaha Soomaaliya si toos ah taas oo ay dad badanoo Soomaali ah walwal ka muujiyeen.


 







Su aasha taagan waxaa ay tahay, Xiligaan maku haboon tahay in kambani shisheeye ah lagu wareejiyo Masuuliyada iyo Amaanka badaha dalka?

Badaheena waxaa ay dacaynaayeen intii ka dambeeysay burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya 1991 dii.

Waxaa si aan kala joogsi laheyn uga socda badaheena kaluumeeysi sharcidaro ah kaasoo lagu tilmaami karo xaaluf xaasidnimo ah taasoo mustaqbalka dhaw keeni karro nabaad guur ku yimaado dhamaan kheyraad bada.

Waxaa intaas dheer qashinka xad-dhaafka ah ee sida ba'an loogu daadiyo badaha Soomaaliya oo loo arko meel aysan ka jirin nidaam iyo ilaaliyo ama awood dowladeed.

Fikir ahaan wey fiican tahay in la helo awood dowladeed oo hanan karta amaanka iyo maamulka xeebteena dheer, laakiin sida muuqataa waxaa ay u baahantahay midaas waqti dheer oo xiligaan suurto gal ma ahan waxaa kaloo iyadana suurto gal aheyn in Shirkad kastoo loo dhiibo amaanka iyo masuuliyadaas ay san jiri karin awood ka sareeysa oo si hufan ula socon karta howlaha ay ka wadaan xeebaha.


W/Q: Mohamed Adam Ishak

Friday, September 8, 2023

Dhibka Nooc ka mid ah Xarshaashada

Kaluumeeysatada wadanka Talyaaniga (Italy) ayaa isku dayaaya in ay suuq u helaan nooc ka mid Xarshaashada taasoo hada dhaw lagu arkay xeebaha wadankaas. 
Waxaa la aaminsan yahay in cimilada isbataleeysa ay sabab u tahay in Xarshaashadaan u soo haajirto xeebaha wadankaas. 

Waxaa ay u geesatay wax yeelo xoog leh kaluumeeysatada beeraha malaayga/kaluunka ku leh wadanka Talyaaniga iyadoo cuntay malaaygii/kaluunkii ay beeran jirteen. 

Hada waxaa ay suuq u raadinaayaan isla xarshaashadii dhibka geesatay maadama ay noqotay waxa ugu badan ee hada la soo qabto.
W/Q: Mohamed Adam Ishak 


Tuesday, August 29, 2023

Ma Farsamo mise isbadal Jawiga

Sida ay sheegaayaan warbixino naga soo gaaraaya suuqyada malaayga ee magaalda Muqdisho, waxaa dib ugu soo batay keenista malaayga Jeedarka (Tuna) kaasoo aan la fileen helidiisa xiligaan Xagaaga Ah.

Wali si buuxda looma uga waxa sababay soo noqoshada Jeedarka (Tuna) xiligaan Xagaaga Ah oo jawiga aad Bada kacsan yahay qaboow uu ka jiro.

Malaaygaan Jeedarka (Tuna) ayeey helidiisu gaar u tahay xiliyada kale sida,-

1) Xiliga Deerta

2) Xiliga Jiilaalka

3) Xiliga Gu'ga

Ma waxaa isbadalay jawiga mise qalabka iyo farsamada kaluumeeysatada Soomaaliyeed?

Waxaan idinkugu soo gudbin doonaa qormooyinkeena xiga Inshaa Allaah.

WQ: Mohamed Adam Ishak 

Monday, July 31, 2023

Hoos u dhac weyn oo ku yimid noocyada Kaluunka/Malaayga

 

Waxaa aad hoos ugu dhacay noocyo badan oo ka mid ah Malaayga aadka loogu jecel yahay cunistiisa iyo ka ganacsigiisaba sida,

  1. Jeedarka (Tuna)
  2. Yuumbiga (King Fish)
  3. Daamberiga (Sword Fish)
Iyo kuwo kaloo badan, waxaana loo sababeynaayaa isbadalka ka jira badda ee iyo xiliga lagu jiro oo ah Xagaa.

Hadaba noocee ugu badan noocyada kaluunka ee hada la helo ama caadiyaan xiliga xagaaga ah soo baxa.

Sidaad sawirka hoose ka arki kartaan kuwaani waa noocyada hada ama xiligaan xagaaga aad loo soo jilaabto ama loo soo dabo kuwaasoo loo jaqaan malaay qareed ama malaayga gunta hoose ee bada ku nool.


Sida loo badan yahay malaaygaan ayaa ah mid aad ugu wanaagsan karinta halkii noocyadii xiliyada Deyrta Jilaalka iyo Gu'ga socdaa ay aad ugu wanaagsan yihiin dubida ama shiilida.

Caafimaad ahaan iyo nofaqo ahaan Soomaali badan ayaa aaminsan in noocaan hada socda ee aad sawirkaan ka aragtaan ay ka wanaagsan yihiin noocyada kale oo ay dadka intiisa badani rumeeysan yihiin ay dhan kastaa ku fiican yihiin laakiin taa wali si cilmiyan ah looma xaqiijin.

Si kastaba waxaan aad ugu dhiiri galineynaa bulsho weynta Soomaaliyeed in ay bartaan kana faa'ideeystaan kheyraadka dhex jiifa baddeena balaaran.


W/Q Mohamed Adam Ishak

Sunday, July 16, 2023

Digniin Muhiim ah oo ku socota dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan nawaaxiga Xeebaha.

 Uruurka Dhaq-Dhaqaaqa Daryeelka Xeebaha Soomaaliyeed waxaa uu uga digaayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan nawaaxiga xeebaha in ay aad uga feejignaadaan dabaaasha iyo kaluumeeysiga iyagoo isticmaalaaya doomaha yar yar ama huuriyada.

Xiligaan waa Xagaa badana aad ayeey u kacsan tahay waana xiliga loo yaqaano bad xiranka dabeeylo xoog leh iyo roobab ayaa ka jira bada mana ku haboona dabaal waqtigaan hada ah.

Allaha u naxariistee waxaa dhawr cisho ka hor ay bada qaaday Ciyaar yahan Ibraahin Mascuud oo ahaa ciyaar yahan aad looga yaqaano Deegaan weynaha Madiina.

Waxaa kaloo ku rogmaday deegaanka Abaay Dhaxan doon noocyada yar yar ah intaan ka war heyno wax qasaaro nafeed ah kama dhicin Alxamdulilaah.

Sidaas darteed waxaan uga digeeynaa dhamaan waalidiinta in ay aad uga wacyigaliyaan caruurtooda qatarka xiligan ka jirta xeebaha taasoo keeni karta qasaaro nafeed.


W/Q Mohamed Adam Ishak

Thursday, June 15, 2023

Elnino iyo saameeynteeda Bada

 

Warbaahinta caalamka waxaa ay aad u hadal heysaa waxa laga filan karo Elnino.

Si aan u fahano Elnino waxaa lagama maarmaan ah in aan marka hore is weydiino.


Waa maxay Elnino?

Elnino waa isbadal ku dhaca cimilada taasoo ay ka dhashaan saameeyno kala duwan.

Waxaa ayna kala yihiin,

  1. Duufaano
  2. Abaaro
  3. Roobab waaweyn oo geysta daadad
  4. Heer kul aad u sareeya kaa soo sababa dab ka kaca keymaha sida wadanka Australia
Hadaba sidee u saameeysaa bada iyo noolaha ku tiirsan?















Heer kulka bada oo aad sare ugu kaca ayaa geeysta in uu dhinto Coral Reef ka sida aad ka arki kartaan sawirada sare, taasoo ay ka dhalato in uu haajiro ama dhamaado malaayga/kaluunkii ku noolaa.

Sidoo kale waxaa ay saameeyntaas raad ku yeelataa shimbiraha ku tiirsan malaayga/kaluunka iyo noolaha kale ee ku jira bada kuwaasoo iyagana haajira ama dhinta.

















Geeska Afrika oo uu kuyaalo wadankeena waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay ku soo noqnoqnaayay abaaro isdaba joog ah kuwaasoo jug xoog leh u geeystay beeraleeyda iyo xoolo dhaqatada, hadana waxaa aad looga cabsi qabaa in ay saameeyn kaloo weyn kaga timaado Elnino.

W/Q Mohamed Adam Ishak