Waxaan u soo joogay xiliyo badan xaaladaha is badbadala ee bada waxaan xusuustaa xili uu aad hoos ugu dhacay dhamaan qeyraadka bada nooc kasta oo ay sida kaluunka iyo aaragoosatada.
Waxaan kaloo xusuustaa xiliyo la waayay meel lakala geeyo kaluunka oo wadooyinka uu daadsanaan jiray.
Hada waa sidaasoo kale waxaa la la'yahay meelo lakala geeyo kaluunka tiro badnaantiisa mana jirto cid qorsheesa qaabka loo kaluumeeysto oo cid kasta waxa ay rabto ayeey iska soo qabataa hadii ay weydo cid ka iibsatana waa ay iska daadiyaan.
Dhibka ugu weyna waxaa uu yahay shirkadaha kaluumeeysiga oo aan heer sare aheyn oo aan laheyn meelo ay ku keydiyaan kaluunka ay soo qabtaan haduu ku soo haro.
Hadii ay heli laaheeyn meelo wanaagsan oo ay ku keydin karaan waxaa fursad heli lahaa kaluunka tirada badan ee maalin kaste sida micno darada ah inta la soo qabto hadana qashin qubka la isaga daadiyo.
Kaluumeeysatadan waxaa ay u ahaan la heyd jaanis ay ku baajiyaan lacagaha joogtada ah ee uga baxa shidaalka maalin kaste.
Waxaan rajeynaayaa in lagu baraarugi doono fursadaan banaan oo la heli doono meelo tiyo sare leh oo lagu keydiyo kaluunka inshaa allaah.
W/Q Abdi Rageh Gomad
Ururka Dhaq-dhaqaaqa Daryeelka Xeebaha. Wuxuu u taagan yahay wacyi galinta iyo baraarujinta bulshada ee xaaladaha xaasaasiga ah ee soo wajaha deegaanka bad iyo beriba qaasatan badda kuwaasoo qatar ku keeni kara Naf iyo Maalba.
Tuesday, April 30, 2019
Sunday, March 31, 2019
Ka faaideeyso xiligan oo ah mid ka mid ah xiliyada ugu wanagsan ee kaluunka la helo
Waxaa u soo baxay Kaluunka/Malaayga loo yaqaan Jeedar ama Tabadin (Tuna) kaasoo kiiladii la kala siisanaayo in ka yar $3.
Waxaa aad uga faa'ideystay dhamaan dadka jecel kaluunka/malaayga kuwaasoo waqtigan dahabiga ah si fiican uga dhargay.
Kaluunkan waa midka ugu caansan aduunka looguna jecel yahay cunistiisa, dad badan waxaa laga yaabaa in ay ku soo xusuustaan Kaluunka gasacadeysan.
Waxaan alle ka baryeenaa in uu noo barakeeyo nimcada balaaran ee uu nagu maneesatay.
Waxaa Qoray Abdi Rageh Gomad
Thursday, February 28, 2019
Rajo weyn ayaa laga qabaa
Kaluumeysatada iyo dhamaan ganacsatada ka ganacsada qeyraadka bada ayaa rajo weyn ka qaba isbadalka cimilada in uu sahli doono in uu dib u bilowdo kaluumeeysigii aadka hoos ugu dhacay intii ay socotay dabeeshii xooga badneyd.
Waxaa guud ahaan hoos u dhac xoog leh ku yimid kaluunkii laga soo saari jiray bada cimilada oo xumaatay darteed.
Rajadan iyo ififaalaha wanaagsan oo ay muujinayaan dhamaan ganacsatda iyo kaluumeysatadaba ayaa sare u qaaday niyada dad badan oo ay noloshoodu ku xirneyd bada.
Waxaan sugnaa waa sida uu xaalku ku dambeeyo inshaa allaah.
W/Q Abdi Rageh Gomad.
Wednesday, January 30, 2019
Wal wal ka dhashay go aankii dowlada ee shatiyada lagu siiyay Maraakiibta shisheeye
Waxaa dhawaanahaan la isla dhex maraayay hadal heynta ku saabsan in dowlada Soomaaliya ay siisay shatiyaal 31 markab oo laga leeyahay wadanka shiinaha (China) kuwaasoo ka kaluumeeysan kara Xeebaha wadanka Soomaaliya noocyo qaas ah oo kaluunka ka mid ah sida Jeedarka (Tuna) iyo kuwa la hal maala.
Markuu soo baxay warka noocaas ah waxaa uu dood iyo booq ka dhex abuuray dhamaan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kaluumeeysatada ay noloshoodu ku xiran tahay bada.
Waxaa aad looga dooday sida iyo awooda ay dowlada federalka ah kula socon karto ama uga warheyn karto in heshiiskii si wanaagsan loo dhaqan galiyay oo aan wax xad gudub ah lagu sameyn bada.
Heshiiska waxaa uu leeyahay wasaarada kaluumeeysiga iyo kheyraadka bada waxaa ay u yeeri kartaa maraakiibtaas xiliga ay doonto si ay u hubiso sida ay u socoto howshoodu, taasoo dadka qaarkiis ay u arkeen in aysan waxba ku soo kordhineeyn waxana ka tareyn wal walka ay dadka Soomaaliyeed ka qabaan Maraakiibtaas.
Fudeydka iyo ku deg degida heshiisyada masiiriga ah ee dalka iyo dadkaba saameeynta weyn ku yeelanaaya, xili aan awood buuxda loo laheyn dhaqan galintooda waxaa ay noqotay wax caado u noqday dowladaha dalka soo mara, taasoo sii iftiimineeysa shikiga laga qabo madaxda dalka in ay san dhab ka aheyn waxa ay afka ka sheegaayaan.
Hadaba waxaa la gudboon dadka Soomaaliyeed in ay cadeeyaan mowqifkooda ku aadan heshiiskan iyo kuwa kalee sida fudud la isaga galo kaasoo saameeyntiisa ay iyaga si toos ah iyo si dadbanba u taabaneeyso.
W/Q Abdi Rageh Gomad
Sunday, December 30, 2018
Dabeelo xoog badan oo bada iyo beriga ka jira ayaa hoos u dhigay kaluumeeysigii bada
Waxaa gabaabsi noqday kaluunkii tirada badnaa ee sida weyn looga faa'ideystay horaantii xiligan deerta ee hada gaba gabada ah.
Hoos u dhacaas kaluunka ku yimid waxaa sababay dabeelo xoog badan oo bad iyo beriga ka dhacaayay dhawaanahan.
Waxaa loo yaqaanaa xiligan (Istaaq-furuloow) Xamar iyo gobolada ku dhaw dhaw waana xiliga la sameeyo caadada soo jireenka ah ee bad galka la yiraahdo taasoo lagu duceeysto oo alle lagu baryo.
Alle mahadiis waxaa aad u yar dhibaatooyinka laga soo sheegaayo bada iyo kaluumeeysatada ay nolosheedu bada ku xiran tahay.
Marka laga reebo dhawr caruur ah oo ay badu ku qaatay nawaaxiga toolo xeebeedka Ceel Macaan ee gobolka Shabelaha dhexe.
Wali waxaa suuqyada laga helaayaa nooca loo yaqaano Jeedarka/Tabadinka afka englishkana lagu dhaho (Tuna) kaasoo aad u waa weyn.
Waxaan alle ka baryeeynaa in uu noo barakeeyo nimcadaas uu nagu maneeystay inshaa allaah.
W/Q Abdi Rageh Gomad
Wednesday, November 28, 2018
Cunista kaluunka/malaayga oo aad ugu sii kordheysa magaalooyinka qaar
Cunista iyo ka ganacsiga kaluunk/malaayga ayaa caadi ka noqday magaalooyinka ku yaala xeebaha, taasoo muujineysa in ay bulshooyinka ku nool magaalooyinkaas ay si fiican u fahmeen faa'idooyinka balaaran ee laga helo cunista kaluunka/malaayga.
Midka mid dadka ku nool magaalada Muqdisho ayaa ii sheegay in uu aad isaga yareeyay cunista hilibka iyo xoolaha noocyadiisa kala duwan sababtoo ah waxaa aad u soo batay dadka ka cabanaaya xanuunka kalastroolka ama dhiig xeeroowga.
Si kastaba ha ahaa tee waxaa shaqo fiican ka helay dadka kaluumeeysta iyo kuwa ka sii ganacsada kuwaasoo aad ugu faraxsan kororka dadka kaluunka isticmaala iyo fahamka bulshada.
Waxaan rajeynayaa in si fiican uu u gaari doono dhamaan wadankeena afartiisa waaxood inshaa allaah.
W/Q Abdi Rageh Gomad
Tuesday, October 23, 2018
Kalluumeysatada oo aad ugu mashquulsan ka faa'ideysiga xiliga deerta oo dar dar fiican ku bilowday
Waxaa si wanaagsan u biloowday kaluumeeysiga xiliga deerta kaasoo badanaa aad loogu sii diyaar garoobo.
Isbadalo waaweeyn ayaa laga dareemaayaa suuqyada lagu iibiyo kaluunka ee magaalada Muqdisho, waxaa kaloo hoos u dhac weyn uu ku yimid qiimaha lagu kala iibsado kaluunka taa soo sahashay in ay dad badan oo aan horey u iibsankarin ay hada ka faa'ideeystaan fursadaan.
Waxaa sidoo kale mashquul badan laga dareemaayaa goobaha ay isugu yimaadaan kaluumeeysatada sida xeebaha Liido Abaay Dhaxan iyo Jaziira, halkaasoo lakaga soo daabulaayo kalluunka lagu iibiyo suuqyada waa weyn ee magaalada Muqdisho ku kala yaala.
Waxaan rajeyneynaa in xiligaans i fiican looga faa'ideysan doono kaluunkeena macaan ee alle noogu nimceeyay hadeey ahaan laheyd ganacsato iyo shacabka guud ahaan.
W/Q Abdi Rageh Gomad
Subscribe to:
Posts (Atom)