Our Visitors

Flag Counter

Thursday, June 15, 2023

Elnino iyo saameeynteeda Bada

 

Warbaahinta caalamka waxaa ay aad u hadal heysaa waxa laga filan karo Elnino.

Si aan u fahano Elnino waxaa lagama maarmaan ah in aan marka hore is weydiino.


Waa maxay Elnino?

Elnino waa isbadal ku dhaca cimilada taasoo ay ka dhashaan saameeyno kala duwan.

Waxaa ayna kala yihiin,

  1. Duufaano
  2. Abaaro
  3. Roobab waaweyn oo geysta daadad
  4. Heer kul aad u sareeya kaa soo sababa dab ka kaca keymaha sida wadanka Australia
Hadaba sidee u saameeysaa bada iyo noolaha ku tiirsan?















Heer kulka bada oo aad sare ugu kaca ayaa geeysta in uu dhinto Coral Reef ka sida aad ka arki kartaan sawirada sare, taasoo ay ka dhalato in uu haajiro ama dhamaado malaayga/kaluunkii ku noolaa.

Sidoo kale waxaa ay saameeyntaas raad ku yeelataa shimbiraha ku tiirsan malaayga/kaluunka iyo noolaha kale ee ku jira bada kuwaasoo iyagana haajira ama dhinta.

















Geeska Afrika oo uu kuyaalo wadankeena waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay ku soo noqnoqnaayay abaaro isdaba joog ah kuwaasoo jug xoog leh u geeystay beeraleeyda iyo xoolo dhaqatada, hadana waxaa aad looga cabsi qabaa in ay saameeyn kaloo weyn kaga timaado Elnino.

W/Q Mohamed Adam Ishak

Monday, May 1, 2023

Never ever give up #beachcleanup #mogadishu #somalia

Markaan soo tooso badanaa waxaan indhaha marmariyaa baraha bulshada si aan xog uga helo waxa ka cusub dunida maalintaas, waxyaabaha aan xooga saaro waxaa u badan arimaha Deegaanka, Siyaasada iyo Amaanka wadanka. 
Saakay waxaan arkay video la soo galiyay channel magaciisa uu yahay ABDINASIRM oo uu kaga hadlaayay meelaha uu jecel yahay in uu waqti ku qaato taasoo ay ka mid aheyd xeebta, balse waxaa uu si wanaagsan oo qiiro leh uu uga hadlay dayaca iyo nadaafad darada ka jirta xeebta iyo iyadoo aysan jirin cid u istaageeysa oo u diir naxeeysa Kuna baraarugsan saameenta ka dhalan karta qashinka sida aan kala sooca laheyn la isaga shubaayo xeebaha dalka. 

Waxaan kaloo aad ii soo jiitay mar uu yiri qofkii soo duubay video ga "xitaa hadaad si iskaa ah isugu daydo in aad wax ka qabato xaaladaas waxaa kaaga imaan kara qatar weyn iyo in laguu qaato in aad tahay qof dan gaar ah ku fushanaaya oo Hay'ado wax kaga soo qaatay taasoo naftaada u soo jiideeysa dhibaato".

Waa xaqiiqo jirta waana nasiib daro in weli ay jiraan dad maskaxdoodu aysan ka korin meeshii aan ku kuf ay sodon sano ka hor. 

Laakiin waxaa jira isbadal fiican iyo dadaalo ay wadaan dad si iskood ah isku xilqaamay oo aan wax gooni ah ka dooneeyn kuna raadsaneeyn daryeelka deegaanka sida Ocean Care Movement Center Somalia. 

Xuquuqda sawirada waxaa iska leh ©ABDINASIRM

W/D: Mohamed Adam Ishak 

Saturday, April 22, 2023

Waa horumar weyn oo xaga fahanka ah


Run ahaantii waa wax aad loogu farxo, in ay bulshada iskeed isugu xilqaanto wax ka qabashada Deegaanka, sida

1) Nadiifinta Xeebaha dalka

2) Wacyigalinta Bulshada ee ilaalinta deegaanka

3) Abaa'bulka shacabka iyo ku dhiirigalinta in ay si iskood ah gacan uga geestaan daryeelka deegaan.

Mudo laga joogo in ka badan 11 sano ayaan dhidibada u yagleelnay, Xarunta Dhaq- Dhaqaaqa Daryeelka Xeebaha Soomaaliya, ( Ocean Care Movement Center Somalia) ujeedada iyo hadafka ugu weyn ee aan ka laheyna wuxuu ahaa in lagu baraarujiyo shacabka Soomaaliyeed xaaladaha ka jira deegaankooda.
Waxaa soo muuqda in si dhab ah uu u hanaqaaday ujeedadii laga lahaa ee waqtiga, maskaxda iyo maalkaba loogu bixiyay Xaruntaas.
Waxaan halkaan mahadnaq iyo hambalyo uga direynaa cid kastoo u istaagta gacana ka geesatada daryeelka deegaan balaaran ee uu eebe na siiyay guud ahaan, si gaar ahna dhalintaas is xil qaantay ee halkaan idinkaga muuqda.

Waad mahadsantihiin halkiina ka sii wada howshaas sharafka iyo qiimaha badan ee aad dadkiina iyo dalkiina u heysaan.

W/Q: Mohamed Adam Ishak 

Sunday, March 26, 2023

Qatar weyn oo ka iman karta Markabkan.


Waxaa aad isku soo taraaya digniinada laga bixinaayo Qatarta ka imaan karta Markabkan kor ka muuqda.

Markabkan oo sida saliid ceyriin ah, waxaa uu ku xiran yahay mid ka mid xeebaha dalka aan dariska nahay ee Yemen ilaa biloowgii dagaalka sokeeye ee dalkaas.

Mudo ku dhaw sagaal sano mahelin wax dayac tir ah waxaana aad looga cabsi qabaa in uu duleeshamo ama qarxo.

Taasoo keeni karta in ay ka dhalato qasaare weyn oo cawaaqib xumo ku keenta Deegaanka Bada Cas.

Waxaa ay dhib culus u geeysatay saliid ku qubatay black sea mudo yar ka hor taasoo ilaa hada la tacaalideeda lagu jiro.

Dalkeena waxaa uu ka mid yahay dalalka ku dhaw bada cas taasoo ay dhici karto in ay wax yeelada ka dhalata Markabkan ay saameen nagu yeelato.

Waxaan Alle ka Rajeynaayaa in uu xal deg deg u saqiro arintaan isku milqan, qatarteedana naga bad baadiyo.

W/Q Mohamed Adam Ishak.

Saturday, March 4, 2023

Waxaa muuqda isbadal weyn

Qormadeena maanta waxaan kaga hadlee naa sida uu yahay jawiga guud ee xeebaha wadanka iyo saameeynta dabeysha ay ku yeelatay wax soo saarkii kaluumeeysatad.

Dabeyshan oo mudo ka badan laba biloodka jirtay xeebaha dalka ayaa waxeey saameeyn muuqata ku yeelatay kaluumeeysatad yar yar ee ku kaluumeysta doomanka ama huuriyaasha aan awooda badan la heyn.

Mar aan la hadlay qaar ka mid ah ganacsatada malaayga ka ganacsata waxaa ay ii sheegeen in mudo ka badan laba bilood uu suuqa malaayga uu aad u liitay wax soosaar badana uu san jirin mudadaas dheer taasoo sare u qaaday qiimaha lagu kala gato malaayga taasoo kaliftay in laga dareemo noolal maalmeedka qooysas badan oo ku tirsanaa ka ganacsiga malaayga.

Sida la ii xaqiijiyay waxaa jirta rajo weyn oo laga qabo in ay wax weyn iska badalaan wax soosaar ka badan in aan la gaarin bisha barakeysan ee Ramadaanka.

W/Q: Mohamed Adam Ishak 

Friday, December 30, 2022

Sare u qaadista aqoonta dadka maamula kheyraadka Bada.

Magaalada Muqdisho waa magaalo madaxdii dalka waana xuduntii cilmiga iyo ganacsiga.

Sidoo kale waxaa ay leedahay xeeb dheer oo wax soo saar fiican leh, taasoo kaalin mug leh ka ciyaarta dhaqaalaha iyo horumarka ganacsiga dalka.

Qormadeena Maanta waxaan uga hadli doonaa faaido intee le'eg ayaa ugu jirta Magaalada Muqdisho, sare u qaadista iyo ta'yeenta aqoonta dadka maamula ishaas dhaqaale ee baaxada iyo wax soosaarka balaaran leh.

Intii ka dambeesay burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya, waxaa aad hoos ugu dhacay tayada iyo aqoonta lagu maamulo kheyraadka Bada, kaasoo kaalin mug leh kaga jira kobaca dhaqaalaha iyo horumarka ganacsiga dalka.

Waxaa doorkii dowlada isku dayay in ay buuxiso hayada Hay'ada cuntada iyo beeraha ee (FAO), taasoo intii ay awoodi kartay gacan ka geesatay sare u qaadista aqoonta dadka ku tiirsan Bada iyo Beeraha, laakiin wali fari kama qodna.

Arigtideyda waa lagama maarmaan in la soo saaro arday aqoon sare u leh maareeynta kheyraadka Bada, si aan uga faaideeysano nimcadaas balaaran ee uu eebe na siiyay. 

Soomaalidu waxeey tiraahdaa "Biyo Sacabadaadaa Looga Dhargaa"

W/Q: Mohamed Adam Ishak 

Wednesday, November 30, 2022

Fursadaas ka faa'ideeysta, waa sandkiiba mar!!!

Iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyay qiimaha kalluunka uu aad u sareyay ayaa hada waxaa ku yimid hoos u dhac taas oo ay kalluumeysatda ku tilmaamen in ay bilaabaty xiliyada kalluunka.
 

Marka uu bilawdo xiliyada kulleelaha ayaa waxaa hoos u dhaca qiimaha kalluunka waxaana dibada loo soo saaraa kalluun faro badan.


Kawaanada kalluunka ee dagmooyinka Abdi Casiis, Xamer Weyne iyo Wadajir oo ah halka ugu baden ee lagu kala iibsado kalluunka ayaa hada waxaa ka jira hoos u dhac ku yimid qiimaha lagu kala iibsado kalluunka.

W/Q: Fahmo Mohamed Adam