Our Visitors

Flag Counter

Monday, February 28, 2022

Xumbo mise Baraf?


Waxaa aad loo hadal hayay wax dadka qaar ay ku sheegeen Baraf lagu arkay xeebaha dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho.


Hadaba waxaas sawirada sare ka muuqdaa ma Barafbaa mise waa Xumbo? Maxaana sababan?

Sidaan idiin soo sheegnay bilihii hore dabeeylo xoog leh ayaa ka dhacaayay xeebaha dalka, kuwaasoo saameeyn balaaran ku yeeshay bada iyo wax soo saarkeediiba.


Waxaad aragtaana waa Xumbo ka dhalatay dabeeylaha xeebaha ka dhacaayay iyo hirka bada.

Mida kale waa istaan muujineeysa fayo qabka deegaanka Bada iyo in ay tahay mid kheyraad balaaran dihan ama ay dhex ceegaagaan.  (productive ecosystem)

Xumbadaas malaha qatar ka badan indho xanuun kooban hadii ay indhaha kaaga soo bido.

Waxeey kaloo saameeyn kartaa dadka qaba xanuunka neefta ( Asthma)

W/Q Mohamed Adam Ishak


Sunday, January 30, 2022

Dabeeylo xoog leh ayaa wali ka jira Bada


Waxaa wali halkoodii ka sii socda Dabeeylo xoog leh kuwaasoo aad u sameeyay wax soo saarkii kheyraadka Bada.

Dabeeylahan oo loo yaqaan (Istaaqfuruloow) ayaa ah kuwo sanad kasta xiligaan oo kale ka dhaca xeebaha dalka gaar ahaan Gobolada ku teetsan bad weynta hindiya.

Mar aan la hadalnay mid ka mid ah ganacsatada sida tooska ah uu ganacsigoodu ugu xiran yahay bada ayaa noo sheegay in ganacsigoodu uu aad hoos ugu dhacay dabeeylahan dartood.

Si kastaba ha ahaatee waxaa wali jira Kalluumeeysato aan ka quusan, naftooda iyo maalkoodana u huray sidii ay haba yaraatee wax ku soo heli lahaayeen.

Dabeeylahan waxaa ay sababan shilal ka dhaca bada sida in ay gadoomaan ama ay jihadii ka dhumaan doomaha yar yar ee aan ku habooneen xiligaan bada.

Waxaan u rajeyneenaa Kalluumeeysatada waqti wanaagsan Inshaa Allaah.

W/Q Mohamed Adam Ishak

Thursday, December 30, 2021

Dabeeylo yar yar oo ka dhacaya deegaanada xeebta ku teedsan.


Dabeeylo yar yar oo ka dhacaya deegaanada xeebta ku teedsan ayaa saameeyn kooban ku yeeshay Kalluumeeysatada ku dhaqan halkaas.

Dabeeylahan ayaa ka dhici jiray deeganada ku yaala nawaaxiga xeebaha kuwaa soo loogu yeero magacyo uu ka mid yahay (Istaaqfuruloow).

Waxaana jira caado dhaqameedyo badan oo lagu maamuuso xiligaan sida (Bad Galka) oo inta xeebta la isugu soo baxo lagu Alle baryo oo lagu duceeysto.

W/Q Mohamed Adam Ishak

Tuesday, November 30, 2021

Isbadal wanaagsan ayaa laga dareemayaa Suuqyada lagu gado malaayga


Suuqyada lagu gado malaayga waxaa laga dareemayaa isbadal weyn kadib mudo kooban oo hoos u dhac ah ka dib.
Waxaa si wanaagsan u biloowday helida Malaayga Jeedarka/Tabadinka kaasaa caan ku xiliga Deerta oo aan hada ku gudo jirno.

Mar aan la hadalnay dadka ku dhaqan Degmada Wadajir gaar ahaan nawaaxiga Kawaanka Malaayga, waxaa ay noo sheegeen in maalmahaan uu kawaanka si wanaagsan u camiran yahay.

Kiilada Malaayga waliba Nooca Jeedarka/Tabadinka (Tuna) oo dunida aad looga jecel yahay waxaa ay mareeysaa $1.5 ilaa $2.00 dollar, taasoo ah qiimo aad u jaban, halka uu dhawr sitimaan ka hor uu ka ahaa $6 ilaa $5.

Si kastaba waxaa la rajeynaayaa in ay hoos u sii dhici doonto Inshaa Allaah.

W/Q Mohamed Adam Ishak.

Saturday, October 30, 2021

Waa sidee xaalka kalluumeeysatada Deegaanka Ceel-Macaan


Halkan waa Deegaanka Ceel-Macaan ee Gobalka Shabeelada Dhexe, waxaa ay caanku tahay marka laga soo tago dakadii macmalka aheyd ee xili halkaas ku taali jirtay, wax soo saarka qeyraadka bada kaasoo soo jiitay indhaha ganacsato iyo kaluumeeysato farabadan.
Mar aan la hadlay mid ka mid ah dadka ku nool tuulada Ceel-Macaan waxaa uu ii sheegay in ay halkaas ka jiraan hoos u dhac xoogan oo ku yimid wax soo saarka qeyraadka bada.


Sidaad ka aragtaan kawaanka Malaayga ee Deegaanka Ceel-Macaan, waxaa la garan la yahay waxa sababay hoos u dhacaas saameeynta balaaran ku yeeshay Ganacsatada iyo Kalluumeeysatada sida tooska ah noloshoodu ugu xiran tahay wax soo saarka qeyraadka bada.
Waxaa rajo weyn laga qabaa in uu isbadal weyn ku imaan doono bada maadaama hada un uu biloowday xiligii Deerta kaasoo ah xili aad iyo aad ugu wanaagsan wax soo saarka qeyraadka bada.

W/Q: Mohamed Adam Ishak

Thursday, September 30, 2021

Maxaa la filan karaa xiliga Deerta?


Waxaa biloow ah xiliga Deerta kaasoo ah xili aad loogu xisaabtamo dhan kasta, hadeey tahay kaluumeeysi ama dalxiis iyo dabaalasho.

Mar aan wareeystay ganacsade Cabduqaadir Jimcaale wuxuu ii sheegay in ay jirto saadaal wanaagsan, "Waxaa biloowday helida Malaayga Jeedarka/Tabadinka (Tona) kaasoo aad loo jecel yahay dal iyo dibadba, wuxuuna tusaale u yahay in biloowday xiligii Deerta"

Sidoo kale waxaa isbadalay jawiga guud ee bada, kaasoo soo jiitay dad badan oo aad u daneeynaaya in ay ku raaxeeystaan dabaal ama dalxiis iyo hawo qaadahso indhana ugu raaxeeyaan biyaha Buluug iyo Cagaar ka ah ee bada iyo Cirka Saxar la aanta ah iyo Cadceeda Macaan.

Si kastaba waxaan aad iyo aad ugu rajo weyn nahay in uu xiligaan noqon doono mid barwaaqo ah kaasoo si fiican looga faaideeysto.

W/Q: Mohamed Adam Ishak

Monday, August 30, 2021

Waxa aad hoos ugu dhacay kalluunkii/malaaygii.


Waxaa laga dareemayaa Malaay yari xoog leh dhamaan Suuqyada lagu gado Malaayga ee ku yaal Magaalada Muqdisho iyo gobolada ku dhaw dhaw.

Waxa sababay in uu yaraado wax soo saarka qeyraadka bada ayaa loo aaneenayaa xiliga hada lagu guda jiro ee xagaaga, waana xiliga bad xiranka.

Intabadan doomaha ay kalluumeeysatadu isticmaasho ma gali karaan bada sababtoo ah waa kuwo aad u yar yar.

Aan la hadlay mid ka mid ah dadka ku nool tuulada Ceel Macaan waxaa uu ii sheegay in ay jirto rajo laga qabo in ay bada is badasho maadaama uu gabaabs yahay xiliga xagaaga.

Intabadan xiligaan oo kale waxaa sare u kaca qiimaha lagu kala gato Malaayga taasoo faaido iyo qasaaraba u ah kalluumeeysatad, maxaa yeelay waxaa ay qaarkood naftooda iyo maalkoodaba ku biimeeyaan sidii ay kalluun u soo heli lahaayeen oo ay faaido fiican uga heli lahaayeen, taasoo keenta qasaare naf iyo maalba leh.

W/Q Mohamed Adam Ishak