Ururka Dhaq-dhaqaaqa Daryeelka Xeebaha. Wuxuu u taagan yahay wacyi galinta iyo baraarujinta bulshada ee xaaladaha xaasaasiga ah ee soo wajaha deegaanka bad iyo beriba qaasatan badda kuwaasoo qatar ku keeni kara Naf iyo Maalba.
Sunday, April 15, 2018
Suuqyada Kaluunka/Malaayga lagu gado ee Muqdisho iyo maanta....
Waxaa aad hoos ugu dhacay sicirka lagu kala gato Malaayga/Kaluunka ee suuqyada magaalada Muqdisho.
Hoos u dhacan dhanka sicirka ah ayaa loo sababeeynayaa ka dib markii ay bateen dadka maal gashanaaya kaluumeeysiga.
Waxaa aad u soo batay doomaha u kaluumeesi taga bada ku waasoo sanado ka hor aad u koobnaa. Dadka isticmaalo kaluunka ayaa aad u soo dhaweeyay hoos u dhaca dhanka sicirka ah ee kaluunka kuwaasoo sheegay in ay hada awoodi karaan in ay kaluun cunaan dhowr maalmood sitimaankii.
Kiilada Malaayga/Kaluunka loo yaqaan Yuumbiga ayaa horey lakala siisan jiray in ka badan $10 doollarka mareykanka ah halka ay hada ka mareyso wax ka yar $3 doollarka mareykanka ah
Waxaa kaloo lamid ah Malaayga/Kaluunka loo yaqaan Jeedarka kaasoo markiisii hore lakala siisan jiray in ka badan $8 doollar ka mareykanka ah.
"Xawaan ku jirnaa nimcatul fushuuq waxaan allaah ka baryeenee in uu wadankeena noo barakeeyo" ayey tiri hooyo Soomaaliyeed oo kaluun ka soo iibsatay kawaanka malaayga ee Xamar-Weyne.
W/Q Maxamed Aadan Isxaaq
Monday, April 9, 2018
Haan weyn oo kusoo caarisay Xeebta Ceel Macaan (Daawo Sawirada)
Haan weyn oon wali la ogaan waxa ku dhax jira ayaa kusoo caarisay Xeebta Dekadda Ceel Macaan ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana halka ay taalo haantaasi booqday masuuliyiin katirsan maamulka Hirshabelle.
Shacabka ku dhaqan Ceel Macaan ayaa cabsi xoogan ka qaba haantaasi kusoo caarisay, waxa ayna shacabku ka cabsi qabaan in haantaasi ay ku jiraan kiimo iyo waxyaabo kale oo nolosha halis galin kara.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dekada Gadiidka ee Maamulka Hir-Shabeelle Xuseen Tuuryare oo booqday halka haanan kusoo caarisay sheegay in baaritaan lagu wado haantan oo ah mid daboolan oon la ogeyn waxa ay tahay iyo waxyaabaha ku jira.
Waxa uu uga digay Wasiirka bulshada ku dhaqan Ceel Macaan in ay ka fogaadaan haantan soo caarisay oo laga yaabi karo in ay ku jiraan waxaabo kiimiko ah oo dhibaato gaarsiin kara bulshada.
Xeebaha Soomaaliya ayaa marar badan waxaa kusoo caariyay haaman iyo waxyaabo kale kale, waxaana biyaha Soomaaliya noqdeen meel lagu daadiyo qashinka iyo sidoo kale waxyaabaha kale ee kiimikada ah.
Xigasho: www.allbanaadir.org
W/D Maxamed Aadan Isxaaq
Tuesday, April 3, 2018
Sicirka Kaluunka/Malaayga Jeedarka/Tabadinka uu ka maraayo suuqyada magaalad Tookiyo oo waali noqday !!!!
Kaluunka Jeedarka ama Tabadinka loo yaqaan ayaa qiimo sare ka maraaya suuqyada magaalada caasimada ah u ah dalka Japan ee Tokyo.
Kaluunkan oo aad looga isticmaalo wadanka Japan ayaa lagu kala iibsanayaa lacag boqolaal kunoo dollar ah, tusaale midka uu culeyskiisa dhan yahay 430 kg ayaa alagu kala iibsanayaa lacag dhan $323,000 sedex boqol labaatan iyo sadex kun oo doolar, taasoo kiilada ka dhigeysa in ka badan $750 dollar todobo boqol iyo konton dollar.
Hadaba dalkeena kiiladii meeqeey ka tahay. Kiilada Jeedarka ama Tabadinka waxaa uu suuqyada ka maraayaa wax ka yar $5 dollar shan doolar isagoo fresh ah oo hada la soo qabtay ma ahan mid baraf iyo qabow uu dishay oo key galay.
Waxaa iska cad hadii la heli lahaa suuq geyn wanaagsan iyo shirkado u diyaarsan in lacag tiro badan laga faa'idi lahaa dad badana laga shaqaaleeyn lahaa.
W/Q Maxamed Aadan Isxaaq
Wednesday, March 21, 2018
Daawo Sawirada: Hirarka Bada oo iftiimaaya habeenkii. (Bioluminescent waves in Somalia)
Dadka ku nool deegaanka Ceel-Macaan ee gobolka Sh/Dhexe ayaa soo sheegaaya in ay xiliga habeenkii ah bada ku arkaan iftiin balaaran oo ka baxaaya hirarka bada, waxaa soo ah wax aan horey loo arki jirin kuna cusub dadka ku nool deegaankaas.
Hadal heynta hirarkaas iftiimaaya ayaa laga hadal yahaa magaalooyin badan oo ku teetsan xeebta oo ay ku jirto magaalada Muqdisho.
Dadka qaar ayaa ku tilmaamaya in ay waxaani yihiin wax mucjiso ah halka kuwa kalana ay ku tilmaamayaan in la faganaayo bada oo shidaal iyo macdan lagala baxaayo taasna ay sababtay iftiinkaan bada ka baxaayo xiliga habeenkii.
Hadaba maxaa sababa hirarka iftiimaya habeenkii. Cilmi baaris uu sameeyay channelka Discovery News ayaa lagu ogaaday in waxa sabab hirarka iftiimaya xiliga habeenkii ah ay tahay aysidh ay sii daayaan balaayiin ilma aragto ah oo ku nool bada kuwaasoo mudadiiba mar sii daaya aysidh kaas.
Waxaa la is weydiiyay saameeynta iyo fal galka ay ku yeelan karto dadka iyo deegaankaba aysidh kaas waxaana la ogaaday in ay keeni karto xanuuno saameeyn kooban leh sida hindhiso qufac iyo indha xanuun kooban dhanka bini aadamka.
Sidoo kale waxaa ay saameeyn ku yeelataa xayawaano badan oo ku nool bada oo uu kaluunka/malaayga ka mid yahay.
W/Q Maxamed Aadan Isxaaq
Monday, March 19, 2018
Boosaaso-Deg Deg. Daawo Sawirada. Dab xoogan oo qabsaday Doon u raran ganacsato
Sida aan wararka ku heleyno Maagaalada Boosaaso dab xoogan ayaa qabsaday doon u raran ganacsato, doontaas oo ku sugneed meel ka yara baxsan dekada magaalada Boosaaso ayaan la ogeyn sababta dhabta ah ee ka dambeysay in uu dab kaas ka kaco.
Waxaa socda dadaalo loogu gurmanaayo doontaas u dabka qabsaday si uGu yaraan wax looga ceensho hantida saaran.
Wixii ka soo kordha waan idinla wadaagi doonaa inshaa allaah. alloow u fududee oo ku guulee.
Xigasho/Sawiro: www.kismaayo24.com
W/Q Maxamed Aadan Isxaaq.
Waxaa socda dadaalo loogu gurmanaayo doontaas u dabka qabsaday si uGu yaraan wax looga ceensho hantida saaran.
Wixii ka soo kordha waan idinla wadaagi doonaa inshaa allaah. alloow u fududee oo ku guulee.
Xigasho/Sawiro: www.kismaayo24.com
W/Q Maxamed Aadan Isxaaq.
Thursday, March 15, 2018
Daawo Sawirada: Xeebta Ceel-Macaan oo aad looga cabanaay.....
Dadweynaha ku nool Deegaanka Ceel-Macaan ayaa waxaa fara ba'an ku haya qalfoofta iyo haraadiga ka haray Maraakiib, Dooman iyo Shactaro hore oo burburay.
Birahaas mirirka ah ayaa waxaa ay dhibaato isug jirta dhaawac iyo burbur hantiyeed ka soo gaartaa dadka kaluumeeysatada u badan ee ku nool Deegaanka Ceel-Macaan,
Dadka Deegaanka Ceel-Macaan ku nool ayaa si naxariisi ay ku jirto waxa ay uga codsanaayaan cid alaale iyo cidii gacanka geysan karta maareeynta birasaah ku burburay xeebta ee dhibta ku haya Dad iyo Duunyo ba in ay u soo gurmadan.
Xigasho: Dalsoor Tv
W/D Maxamed Aadan Isxaaq
Birahaas mirirka ah ayaa waxaa ay dhibaato isug jirta dhaawac iyo burbur hantiyeed ka soo gaartaa dadka kaluumeeysatada u badan ee ku nool Deegaanka Ceel-Macaan,
Dadka Deegaanka Ceel-Macaan ku nool ayaa si naxariisi ay ku jirto waxa ay uga codsanaayaan cid alaale iyo cidii gacanka geysan karta maareeynta birasaah ku burburay xeebta ee dhibta ku haya Dad iyo Duunyo ba in ay u soo gurmadan.
Xigasho: Dalsoor Tv
W/D Maxamed Aadan Isxaaq
Wednesday, February 28, 2018
Daawo Sawirada: Hay'ada FOA oo tababar siineeysa haweenka ku nool xeebaha.
Halkan waa Magaalada Boosaaso, Hey'ada Cuntada iyo Hurumarinta beeraha ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan (FOA) ayaa waxaa ay tababar siineeysaa hablaha ku nool kaamamka barakacayaasha ee nawaaxiga xeebta dheer ee magaalada Boosaaso.
Haweenkan waxaa la barayaa sida looga faa'ideysto kaluunka, mudo dheerna loo keediyo, iyadoo la isticmaalaayo hanaanka qorax ku qalajinta.
Source:http://www.puntlandtrust.com/2018/01/blog-post_30.html
W/D Maxamed Aadan Isxaaq
Subscribe to:
Posts (Atom)