Our Visitors

Flag Counter

Wednesday, July 30, 2025

Maxaa u xal ah kaluumeeysiga sharcidarada ah ee badeena ka jira

 





















Waxaa si aan kala sooc laheyn loo xaalufinayaa oo loo dabar jarayaa dhamaan kheyraadka baddeena kaasoo ah dhaxalka umada Soomaaliyeed.

Ka dib burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya badeena waxaa ey ka mid noqotay meelaha uu soo gaaray dayaca ugu badan ee ku habsaday dalka.

Waxaa u soo shaqo tagay wadamo badan oo caalamka haba ugu badnaadaan kuwa nagu xeeran ee aan wadaagno xuduud biyood iyo mid biri ahba, kuwasoo hormuud ka noqday dhaca iyo boobka lagu haayo hantida umada Soomaaliyeed ee beylahda ah.

Waxaa si weyn loo dareemay maqnaanta ciidankii xooga dalka ee difaaci jiray Bad Cir iyo Dhulba, kuwaasoo ku bururay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.












Qeybo ka mid ah gobolada dalka waxaa quus laga gaaray maarkiibta shisheeye ee raxan raxanta u socota ee sida indho la'aanta ah u xaalufinaaya dhamaan kheyraadka bada iyagoo waliba isticmaalaaya shabaagyo laga mamnuucay caalamka saameentooda xun ee ay ku leeyihiin Deegaanka.

Soomaaliya oo hada ku jirta xaalad soo kabasho ah oo aan cago adag ku taagneyn ayaa waxaa socda dhismaha ciidamada Bada kuwaasoo kaalmo ka helaaya wadamo uu ka mid yahayTurkiga.

Rajada umada Soomaaliyeed maalinba maalinta ka danbeeysa waa ey sii xoogeeysaneysaa iyagoo ku sii tilaabsanaaya horumaro la taaban karo.

W/Q: Mohamed Adam Ishak