Our Visitors

Flag Counter

Friday, February 28, 2025

Wali waxaa jira kaluun yari

Sida ay noo sheegeen quburo si dhaw ula socota wax soo saarka bada waxaa wali jira kaluun/malaay yari iyadoo xiligaan la filaayay in uu kordho wax soo saarka bada ama kaluumeeysiga.

Waxeey ahaan jirtay xiligaan ooo kale xili aad barwaaqo u ah oo aad loo helo kaluunka/malaayga noocyadiisa kala duwan haba ugu badnaadaan nooca loo yaqaano malaay cadde ku waasoo ay Soomaalida badankeed aad u jecel yihiin.

Waxa layaabka leh waxaa ay tahay ma jirto cid isweydiineeysaa waxa sababay isbadalka ku yimid wax soo saarkii iyo kaluunkii/malaaygii badnaa ee la helijiray ee hada la'layahay.

Sidaan la socono waxaa aduunka ka jira isbadalka cimilada ama (climate change) taasoo sababtay isbadalo cusub oo aan horey loo aqoon sida:-


  1. Abaaro
  2. Daadad
  3. Duufaano
  4. Dabka ka kaca keymaha, iyo wax yaabo badanoo kale
Aqoonta iyo la socodka xaaladaas weyn ee dunida saameeysay waa ey ku yar tahay dadkeena, laakiin waxaa jira dadaalo ay wadaan dad kooban, kuwaasoo ku saabsan sidii loo baraarujin lahaa sarena loogu qaadi lahaa wacyiga dadkeena ee ku aadan Arintaas.

W/Q: Mohamed Adam Ishak