Wali waxaa aad u yar helidda malaayga noocii aad loo filaayay helidiisa xiligaan deerta ah kaa soo ah nooca loo yaqaan Jeedar/Tabadin ama (Tuna)
Ururka Dhaq-dhaqaaqa Daryeelka Xeebaha. Wuxuu u taagan yahay wacyi galinta iyo baraarujinta bulshada ee xaaladaha xaasaasiga ah ee soo wajaha deegaanka bad iyo beriba qaasatan badda kuwaasoo qatar ku keeni kara Naf iyo Maalba.
Friday, October 31, 2025
Tuesday, September 30, 2025
Dadaalka kaluumeeysatada dalka waa mid mudnaantiisa leh
Intii ka dambeeysay burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya waxaa dalka ku habsaday guud ahaan dib u dhac iyo kala daad dhamaan adeegyada guud ee laga heli jiray dowladii dhexe iyo Iskaashatooyinkii awooda u lahaa haqabtirka baahiya bulshada, dhinacyada beeraha iyo kaluumeeysigaba.
Laakiin waxaa si sharaf iyo mudnaan leh isku xilqaamay, haraagii ka haray shaqaalihii Iskaashatooyinkii hore iyo wasaaradihii dowladii dhexe, kuwaasoo dhexda u xirtay buuxinta kaalintaas ku soo banaanaatay bulshada in la buuxiyana ay tahay lagama maarmaan.
Waxaan xasuustaa kaluun fresh ah oo diyaar ku ah kawaanka malaayga ee xaafada aan ku dhashay ee Madiina gaar ahaan Degmada Wadajir.
Wax sahlan ma aheyn xiligaas in la helo kaluun ama malaay fresh xiliaag aroorta ah sababo amaan dartood waayo waxaa aad u badnaa dhaca iyo dilka maalaa yacniga ah ka dib markii qof walbaa uu helay qori si sahlan.
Run ahaantii dadaalka kaluumeeysatada dalka waxaa uu mudan yahay maamuus iyo qadarin.
W/Q: Mohamed Adam Ishak
Sunday, August 31, 2025
Waxaa aad hoos ugu dhacay helida malaayga loogu jecel yahay gudaha Dalka
Wednesday, July 30, 2025
Maxaa u xal ah kaluumeeysiga sharcidarada ah ee badeena ka jira
Ka dib burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya badeena waxaa ey ka mid noqotay meelaha uu soo gaaray dayaca ugu badan ee ku habsaday dalka.
Waxaa u soo shaqo tagay wadamo badan oo caalamka haba ugu badnaadaan kuwa nagu xeeran ee aan wadaagno xuduud biyood iyo mid biri ahba, kuwasoo hormuud ka noqday dhaca iyo boobka lagu haayo hantida umada Soomaaliyeed ee beylahda ah.
Waxaa si weyn loo dareemay maqnaanta ciidankii xooga dalka ee difaaci jiray Bad Cir iyo Dhulba, kuwaasoo ku bururay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.
Qeybo ka mid ah gobolada dalka waxaa quus laga gaaray maarkiibta shisheeye ee raxan raxanta u socota ee sida indho la'aanta ah u xaalufinaaya dhamaan kheyraadka bada iyagoo waliba isticmaalaaya shabaagyo laga mamnuucay caalamka saameentooda xun ee ay ku leeyihiin Deegaanka.
Soomaaliya oo hada ku jirta xaalad soo kabasho ah oo aan cago adag ku taagneyn ayaa waxaa socda dhismaha ciidamada Bada kuwaasoo kaalmo ka helaaya wadamo uu ka mid yahayTurkiga.
Rajada umada Soomaaliyeed maalinba maalinta ka danbeeysa waa ey sii xoogeeysaneysaa iyagoo ku sii tilaabsanaaya horumaro la taaban karo.
W/Q: Mohamed Adam Ishak
Monday, June 30, 2025
Waa Sidee Xaalka Suuqyada Kalluunka
Siduuu u biloowday xiliga xagaaga waxaa suuqyada lagu gado malaayga/kalluunka ee magaalada muqdisho iyo gobolada ku xeeran laga dareemaayay hoos u dhac ku yimid malaaygii/kalluunkii la keeni jiray suuqyadaas.
Waxaan ka wareeystay sida uu yahay ganacsiga ka jira suuqyadaas xiligan xagaaga ah iyo waxa iska badalay ganacsade Cabduqaadir Jimcaale Maxamed oo ka mid ah ganacsatada Suuqa Malaayga ee Degmada Wadajir.
Jaale Cabduqaadir Jimcaale waxaa uu ii sheegay 'in uu jiro hoos u dhac weyn, sidii loo galay Xiliga Xagaaga kaasoo ay u dheer tahay isbadal xaga cimilada ah taasoo dad badan ay si weyn ugu baraarugeen.
Caadiyan Xiliga Xagaaga waxaa uu caan ku yahay in bada ay aad u kacdo hirar waaweyn iyo nooca kalarka bada oo isu badala caad caad cawlan.
Laakiin calamadahaas hada lama hayo badana uma kacsana sidii la filaayay, nooyo badan oo kaloon ah oo aan xiligaan la heli jirin ama yaraan jiray ayaa wali socda oo la hilaa, iyadoo noocyadii caanka ku ahaa Xiliga Xagaaga sida, Tartabada, Booraadka iyo dhamaan malaayga nooca loo yaqaan Gaxashka ama malaay Qareedka ayeey aad u yar tahay hilidooda ama soo qabashadooda.
W/Q: Mohamed Adam Ishak
Thursday, May 29, 2025
10 qof oo ay sagaal caruur tahay.
Waxaa ay aheyd mid ka mid ah musiibooyinka bada ka dhaca xiliga xagaaga taasoo galaafatay nolosha toban qof oo ay sagaal caruur tahay.
Waxaa kaloo jira qof meydkiisa laga helay nawaaxiga tuulada Ceel-Macaan, kaasoo aanan wali naloo cadeyn in uu ka mid ahaa dadkii ay badu ka qaaday xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
Sidaan marar badanoo hore uga dignay, xiliga Xagaaga badu waa qatar weyn taasoo geesata qasaarooyin isugu jira naf iyo maal.
Waxaan waalidiinta kula talineeynaa in ay caruurtooda ka wacyi galiyaan dhibaatada iyo qatarta ka jirta bada xiliga Xagaaga.
W/Q: Mohamed Adam Ishak
Wednesday, April 30, 2025
Sunday, March 30, 2025
Friday, February 28, 2025
Wali waxaa jira kaluun yari
- Abaaro
- Daadad
- Duufaano
- Dabka ka kaca keymaha, iyo wax yaabo badanoo kale
Thursday, January 30, 2025
Kaluumeeysato lagu waayay bada oo dib loo helay iyagoo nool
Waxaa dib loo helay kaluumeeyato Soomaaliyeed kuwaasoo lagu waayay dabeelaha ka dhacaaya bada. Dhacdadaan oo ah mid eey aad ugu farxeen dhamaan umada Soomaaliyeed gaar ahaan ehelka iyo asxaabta eey ragaas la waayay la haayeen.
In markab ay ajaabiib wataan uu soo bad baadiyo kuluumeeysato Soomaaliyeed waa dhacdo ku cusub dhaga dadka, maxaa yeelay waxaa jira dad badanoo ka soo bad baaday waxyeeleeynta ajaanibta sida sharci darada ah uga kaluumeeysta badeena.
Waxaa wali jira kaluumeeysato badan oo ilaa iyo hada aan la ogeyn meel ay jaan iyo cirib dhigeen walina laga qabo rajo in ey maalin un dib u soo laabtaan ma warkooda dib loo helo Inshaa Allaah.
Waxaan ku wacyi galineynaa dhamaan kaluumeeysatada in ey aad uga feejignaadaan qatarta ka imaan karta dabeelaha xooga leh ee ka jira bada.
W/Q: Mohamed Adam Ishak



