Waxaa 1 dii bishan magaalada Addis Ababa ee dalka aan dariska nahay ee Ethopia lagu saxiixay wax loogu yeeray heshiis isfahan, kaasoo u dhexeeyay dowlada Ethopia iyo maamulka Hargeysa.
Hishiiskaas Soomaali badan waxaa uu qalbiyadooda ku soo riday cawaaqibkii lagala kulmay heshiiskii isfahan ee Kenya lala galay dhawr iyo toban sano ka hor kaa soo ugu danbeeyntii sababay dagaal diplomaasiyadeed oo ku soo gabagawooway Maxkamad iyo in ay Kenya u xalaaloowdo in ka badan 50 killometer biyaha Soomaaliya.
Dadka qaarkii waxaa kaloo ay tusaale u soo qaataan dhul xeebeedka Kenya ee Mombasa kaa soo dadkii halkaa daganaa lagu qanciyay in ay Kenya ka sii mid ahaadaan 50 sano oo kaliya kadibna ay noqdaan dal iskii u taagan oo Kenya ka madax banaan, taasoo noqotay riyo aan waligeed rumoobeen.
Hadaba Ethiopia qorshaheedu waa noocee?
- Ma deked ganacsi ay kala soo degtaa?
- Ma deked ay iskeed u maamulato oo ay maalgashato maamushaana?
- Ma deked militaria oo ay ciidan ay iyadu leedahay maamulaan ganacantana ku hayaan baa?
- Kalluunka
- Macdanta
- Shidaalka