Our Visitors

Flag Counter

Friday, October 27, 2023

Xiligaan ma ku haboon tahay in Shirkado Shisheeye lagu wareejiyo masuuliyada iyo amaanka badaha Soomaaliya

 











Waxaa dhawaanahaan soo shaac baxay heeshiis la sheegay in dowalada Soomaaliya la galeeyso kambani laga leeyahay wadanka Imaaraadka Carabta.

Kabanigaas waxaa uu la wareegi doonaa maareeynta iyo amaanka badaha Soomaaliya si toos ah taas oo ay dad badanoo Soomaali ah walwal ka muujiyeen.


 







Su aasha taagan waxaa ay tahay, Xiligaan maku haboon tahay in kambani shisheeye ah lagu wareejiyo Masuuliyada iyo Amaanka badaha dalka?

Badaheena waxaa ay dacaynaayeen intii ka dambeeysay burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya 1991 dii.

Waxaa si aan kala joogsi laheyn uga socda badaheena kaluumeeysi sharcidaro ah kaasoo lagu tilmaami karo xaaluf xaasidnimo ah taasoo mustaqbalka dhaw keeni karro nabaad guur ku yimaado dhamaan kheyraad bada.

Waxaa intaas dheer qashinka xad-dhaafka ah ee sida ba'an loogu daadiyo badaha Soomaaliya oo loo arko meel aysan ka jirin nidaam iyo ilaaliyo ama awood dowladeed.

Fikir ahaan wey fiican tahay in la helo awood dowladeed oo hanan karta amaanka iyo maamulka xeebteena dheer, laakiin sida muuqataa waxaa ay u baahantahay midaas waqti dheer oo xiligaan suurto gal ma ahan waxaa kaloo iyadana suurto gal aheyn in Shirkad kastoo loo dhiibo amaanka iyo masuuliyadaas ay san jiri karin awood ka sareeysa oo si hufan ula socon karta howlaha ay ka wadaan xeebaha.


W/Q: Mohamed Adam Ishak