Our Visitors

Flag Counter

Monday, July 31, 2023

Hoos u dhac weyn oo ku yimid noocyada Kaluunka/Malaayga

 

Waxaa aad hoos ugu dhacay noocyo badan oo ka mid ah Malaayga aadka loogu jecel yahay cunistiisa iyo ka ganacsigiisaba sida,

  1. Jeedarka (Tuna)
  2. Yuumbiga (King Fish)
  3. Daamberiga (Sword Fish)
Iyo kuwo kaloo badan, waxaana loo sababeynaayaa isbadalka ka jira badda ee iyo xiliga lagu jiro oo ah Xagaa.

Hadaba noocee ugu badan noocyada kaluunka ee hada la helo ama caadiyaan xiliga xagaaga ah soo baxa.

Sidaad sawirka hoose ka arki kartaan kuwaani waa noocyada hada ama xiligaan xagaaga aad loo soo jilaabto ama loo soo dabo kuwaasoo loo jaqaan malaay qareed ama malaayga gunta hoose ee bada ku nool.


Sida loo badan yahay malaaygaan ayaa ah mid aad ugu wanaagsan karinta halkii noocyadii xiliyada Deyrta Jilaalka iyo Gu'ga socdaa ay aad ugu wanaagsan yihiin dubida ama shiilida.

Caafimaad ahaan iyo nofaqo ahaan Soomaali badan ayaa aaminsan in noocaan hada socda ee aad sawirkaan ka aragtaan ay ka wanaagsan yihiin noocyada kale oo ay dadka intiisa badani rumeeysan yihiin ay dhan kastaa ku fiican yihiin laakiin taa wali si cilmiyan ah looma xaqiijin.

Si kastaba waxaan aad ugu dhiiri galineynaa bulsho weynta Soomaaliyeed in ay bartaan kana faa'ideeystaan kheyraadka dhex jiifa baddeena balaaran.


W/Q Mohamed Adam Ishak

Sunday, July 16, 2023

Digniin Muhiim ah oo ku socota dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan nawaaxiga Xeebaha.

 Uruurka Dhaq-Dhaqaaqa Daryeelka Xeebaha Soomaaliyeed waxaa uu uga digaayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan nawaaxiga xeebaha in ay aad uga feejignaadaan dabaaasha iyo kaluumeeysiga iyagoo isticmaalaaya doomaha yar yar ama huuriyada.

Xiligaan waa Xagaa badana aad ayeey u kacsan tahay waana xiliga loo yaqaano bad xiranka dabeeylo xoog leh iyo roobab ayaa ka jira bada mana ku haboona dabaal waqtigaan hada ah.

Allaha u naxariistee waxaa dhawr cisho ka hor ay bada qaaday Ciyaar yahan Ibraahin Mascuud oo ahaa ciyaar yahan aad looga yaqaano Deegaan weynaha Madiina.

Waxaa kaloo ku rogmaday deegaanka Abaay Dhaxan doon noocyada yar yar ah intaan ka war heyno wax qasaaro nafeed ah kama dhicin Alxamdulilaah.

Sidaas darteed waxaan uga digeeynaa dhamaan waalidiinta in ay aad uga wacyigaliyaan caruurtooda qatarka xiligan ka jirta xeebaha taasoo keeni karta qasaaro nafeed.


W/Q Mohamed Adam Ishak