Our Visitors

Flag Counter

Tuesday, May 31, 2022

Sidee looga hortagi karaa Sunta bada lagu soo shubo?


Waxaa aad u soo kordhaaya qeylo dhaanta ka imaaneeysa Kalluumeeysatada ee ku aadan haamaha ay ku jiraan haraadiga warshadaha kiimikooyinka ee wadamada shisheeye kuwaasoo geeysanaaya dhibaatooyin naf iyo maalba isugu jira.


Sida la xaqiijiyay waxaa ku dhintay dad ka badan sedex qof dhawr kalena waa ay ku dhaawacmeen markii Kalluumeeysato shaqo maalmeed kooda caadiga ah iska wata ay si lama filaan ah u dhex galeen goob ay ku dilaacday haan sun ah, taasoo galaafatay nafta saaxiibadood dhaac halis ahna soo gaarsiisay kuwo kale.

Waa tiro dhaaf inta jeer ee dhibaato ka timid haamaha ay ku jiraan haraadiga warshadaha kiimikooyinka sameeya ee badeena lagu soo daadiyo ay ku dhintaan ama ku dhaawacmaan muwaadiniin fara badan.

Run ahaantii waa nasiib daro in dawlada federal ka Somalia iska fiirsato tacadiga lagu hayo dadka iyo deegaankaba, taasoo hadii aan wax laga qaban keeni karta xaalado aan laga soo kaban karin.

Xarunta Dhaq-Dhaqaaqa Daryeelka Xeebaha Soomaaliya ( Ocean Care Movement Center) waxaay ay uga digeysaa dhamaan umada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan xeebaha iyo Kalluumeeysatada in ay ka feeyjignaadaan haamahaas halista ah, meel kastoo lagu arkana fadlan la soo xiriira maamulada goobtaas aad joogtaan ka jira si loogu gudbiyo cid wax ka qaban karta.

W/Q Mohamed Adam Ishak