Our Visitors

Flag Counter

Saturday, April 30, 2022

Kheyraadka Dalka iyo Dayaca Jira

Wadamo badan ayaa ka faa’iideeysta kheeyraadka badda, taas oo uu illaahay siiyey. Dalalka uu illaahay nimcadaas siiyey waxaa ka mid ah dalka Soomaalida. Hase ahaatee, Soomaalida kama faa’iideeystaan, mana doonayaan ineey manaafacaadsandaan, balse taa badakeeda waxeey ka jecelyihiin in dalalkaas ka faa’iideeystay kheeyraadkooda ay maalin kasta lacag weeydiistaan, iyagoo oranaya waxaanu nahay ummad habaar uu ku dhacay oo gaajo, biyo la’aan, xannuuno, abaaro iyo masiibooyink kalle ay ku dhaceen ee hanaloo gargaaro.

Hadaba sannadkii 2017kii waxaa wadamadan hoos ku xusan ka soo gallay daqli dhan:

Shiinaha                               $13.3 seddex iyo tobban biliyan iyo seddex boqol oo milyan oo doolar

Norweey                                         $ 11 bilyan

Hinidiya                                           $ 5.42 bilyan

Mareeykanka                                  $ 5.38 bilyan

Chile (Jili)                                          $ 5.2 bilyan

Vietnam (Fiitnaam)                         $ 5 bilyan

Kanada                                               $ 4.8 bilyan

Netherland (Hooland)                     $ 4.2 bilyan

Iswiidhen                                             $4 bilyan

Ruushka                                                $3.5 bilyan

Dhawaan ayeey aheed markii maamulada dalka iyo dawladda federaalka ay ka wada hadleen sida loo qeeybsanayo kheeyraadka badda, waxeeyna dhamaantood isku raaceen in shatiyada lacagta ka soo xaroota ee laga qaado maraakiibta shisheeye lagu shubo qasnad dhexe, dabadeedna la qeeybsado. Marna kama aysan fakirin sidii kalluunka dalka looga faa’iideeysan lahaa, iyadoo maalgashadayaal caalami ahna loo helli lahaa.

Inta badan, marka markabka shisheeye la siiyo ruqsadda kalluumeeysiga, ragga madaxda ka ah maamulada, waxaa u sahlan in lacagtaas ay ka qaateen maraakiibta shisheeya ay jeebkooda ku shubtaan. Tusaale, marka shirkadda shisheeye ee markabka iska leh ay bixiso lacag dhan hal milyan oo doolar, waxeey ka sameeneeysaa shirkaddaas markabka iska leh lacag ka badan konton milyan oo doolar. Miyeeysan qasaaro ku aheen ummada Soomaaliyeed?

Markabkan aad muuqaalka hoose ku aragtaan waa markab lagu sii daayey biyaha Soomaaliya, wuxuuna guranayaa wixii kalluun ah ee uu guran karro, meesha ninkii ruqsada bixiyeyna uusan waxba ka oggeen waxa meesha ka socda, waxa uuna niyadda ka leeyahay maxaa iga gallay mar haddaan xoggaageega ka qaatay.

Waa ay inoo suurto gali weysay in aan idiin soo gudbino muuqaalka marka qormada looga hadlaayo, maxaa yeelay waxaa laga saaray meeshii laga soo share gareeyay.

SOOMAALIYA MA AHAN DAL FAQRI AH, LAAKIIN WAXAA FAQRI KA DHIGAYA DADKA AAN DAL IYO DAD TOONA AAN U NAXEEN.

Xigasho: www.allsanaag.com 

W/D: Mohamed Adam Ishak