Our Visitors

Flag Counter

Wednesday, May 29, 2019

Waligaa Malaay/Kalluun ma dabtay?

Khuukhle
























Waan ku dhashay jaceylka aan u qabo bada iyo Malaayga/Kalluunkaba, waayo waxaan xusuustaa markaan aadka u yaraa siduu ahaan jiray dareenkeyga ku aadan bada.

Kama wal wali jirin sida aan u baran lahaa Malaay dabida, waxan isku heestay in aan aqaan waana tan keentay in aan dhaho waa ku dhashay jaceylka bada.

Waxaan bada iyo kaluumeeysigaba aad u sii jeclaan jiray xiliga lagu gudo jiro bisha barakesan ee Ramadaanka, taasoo aan jeclaan jiray in aan gacanteyda ku soo qabto Malaayga/Kaluunka lagu daraayo sambuuska lagu afuraayo.

Waxaa ay ii aheyd Sharaf weyn in aan qoyska ka dabaro wixii lagu dari lahaa sambuuska iyadoo cid iiga baahan aysan jirin.

Taas waxaa ay sare u qaaday xirfadeyda kaluumeeysiga taasoo keentay markii dambe in aan u socdaalo meelo ka baxsan gobalka Banaadir, sida Gobolka Shabeelada hoose oo kale.

Malaaygaan/Kaluunkan aad sawirkiisa halkan ka aragtaan waxaa uu ka mid ahaa kuwa aan ugu jeclahay in aan ku quraacdo barqadii markii aan ka soo laabto bada in kastoo uu aad u lafo badan yahay hadana aad iyo aad ayuu u macaan badan yahay.

In aan quraac ka dhigto waxaan ka bartay qabiir sare ahna macalinkeyga bada Salaad Jimcaale, kaasoo aan mar kasta uga mahad celiyo wax badan oo kaluumeysiga muhiim u ah oo uu i baray.

Goobtii uu degaanka balaaran kulahaa Malaaygaas/Kaluunkaas ma tagin mudo dhawr iyo toban sano ah sababtoo ah waxaa dagay Ciidamada Amisom kuwaasoo ka mamnuucay dadkii ka kaluumeeysan jiray dhul balaaran

Nasiib daro waxaa ah in aan mar kasta kor ka arkoo dhulkii ku fiicnaa kaluumeeysiga oo ay dad shisheeye ah ka kaluumeeysanayaan dadkii dalka u dhashayna ay qarka u saaran yihiin in ay faraha ka qaadaan xirfadii ay waligood jeclaan jireen kuna noolaan jireen.

Waxaa laga yaabaa dadka qaar in ay is weydiiyaan maxaa meelo kale loo aadi waayay intii la quusan lahaa? waa su aal muhiim ah laakiin bada goobaha laga kaluumeeysto waa mucayim meel kaste ma ahan mida kale waxaa meelaha qaar lagama maar maan ah in aad hesho doon ama gaari aad meeshaad rabto ku tagi karto.

W/Q Abdi Rageh Gomad