Our Visitors

Flag Counter

Wednesday, January 30, 2019

Wal wal ka dhashay go aankii dowlada ee shatiyada lagu siiyay Maraakiibta shisheeye



























Waxaa dhawaanahaan la isla dhex maraayay hadal heynta ku saabsan in dowlada Soomaaliya ay siisay shatiyaal 31 markab oo laga leeyahay wadanka shiinaha (China) kuwaasoo ka kaluumeeysan kara Xeebaha wadanka Soomaaliya noocyo qaas ah oo kaluunka ka mid ah sida Jeedarka (Tuna) iyo kuwa la hal maala.

Markuu soo baxay warka noocaas ah waxaa uu dood iyo booq ka dhex abuuray dhamaan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kaluumeeysatada ay noloshoodu ku xiran tahay bada.

Waxaa aad looga dooday sida iyo awooda ay dowlada federalka ah kula socon karto ama uga warheyn karto in heshiiskii si wanaagsan loo dhaqan galiyay oo aan wax xad gudub ah lagu sameyn bada.

Heshiiska waxaa uu leeyahay wasaarada kaluumeeysiga iyo kheyraadka bada waxaa ay u yeeri kartaa maraakiibtaas xiliga ay doonto si ay u hubiso sida ay u socoto howshoodu, taasoo dadka qaarkiis ay u arkeen in aysan waxba ku soo kordhineeyn waxana ka tareyn wal walka ay dadka Soomaaliyeed ka qabaan Maraakiibtaas.

Fudeydka iyo ku deg degida heshiisyada masiiriga ah ee dalka iyo dadkaba saameeynta weyn ku yeelanaaya, xili aan awood buuxda loo laheyn dhaqan galintooda waxaa ay noqotay wax caado u noqday dowladaha dalka soo mara, taasoo sii iftiimineeysa shikiga laga qabo madaxda dalka in ay san dhab ka aheyn waxa ay afka ka sheegaayaan.

Hadaba waxaa la gudboon dadka Soomaaliyeed in ay cadeeyaan mowqifkooda ku aadan heshiiskan iyo kuwa kalee sida fudud la isaga galo kaasoo saameeyntiisa ay iyaga si toos ah iyo si dadbanba u taabaneeyso.

W/Q Abdi Rageh Gomad