Our Visitors

Flag Counter

Saturday, December 28, 2019

Isbadalka cimilada iyo saameeynta ay ku leedahay xeebaha

Dhawaanahaan aduunka waxa aad loo hadal hayaa isbadalka cimilada iyo saameeynta ay ku leedahay bad iyo biriba.
Inkastoo Soomaalidu door ku la heyn sababaha keena isbadalka cimilada hadana waxaa muhiim ah in aan ugu yaraan sameyno wax kastoo lagu dhimi karo dhibta ka imaan karta.
Waxaan isticmaali karnaa green energy oo ah ka faaideysiga tamarta laga dhaliyo qoroxda, saasoo hoos u dhigeeysa ku tiirsanaanta tamarta laga dhaliyo matoorada.
Waxaan kaloo yareen karnaa ku fataalida cuntada, sababtoo ah cuntada qurunta waxaa ay gacan ka geysan kartaa sii xumaashaha cimilada.
Hadaba waa in aan ku baraarugsanaanaa isbadalka cimilada iyo saameeynta ay nolosheena iyo mustaqbalka ubadkeena ku leedahay.

W/Q Abdi Rageh Gomad

Friday, October 18, 2019

Tacsi Tiiraanyo Leh















Inaa lilaahi Wa inaa Ileyhi Raajicuun. Xarunta Dhaq-Dhaqaaqa Daryeelka Xeebaha Soomaaliya ( Ocean Care Movement Center Somalia) iyo Dhamaan Bahweynta Kaluumeysatada Soomaaliyeed, waxa ay tacsi tiiranyo leh u dirayaan ehelkii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuum Cabdiraxman Nuur Cali oo gacan ka xaqdaran ku dishay deegaanka Baqal iyo Xawaaloow. Waxaanu leenahay Janatul firdowsa allaha ka waraabiyo ehelkii iyo asxaabtii uu ka tagayna Samir iyo Iimaan allaha ka siiyo.


Marxuum Cabdiraxman waxaa uu ahaa shaqsi ixtiraam balaaaran ku dhex leh dadkii iyo deegaankii uu ku noolaa.

Shaqsiyaan waxaan ku rajo weynaa in aan ka qoro buug  ku saabsan taariikh nololeedkiisa.

Waayo waxaa uu ahaa shaqsi tusaale u ah dhamaan Kaluumeysatada qeybaheeda kala duwan.

Haduu eebe ka raali noqdo waxaan halkaan idiinkaga soo gudbineynaa taariikhdiisa oo kookooban.

W/Q Abdi Rageh Gomad

Monday, September 30, 2019

Dib u dhis balaaran ayaa lagu sameynaayaa Kawaanka Malaayga ee Degmada Wadajir







































Waxaa la filaayaa in goor dhaw la soo gabagabeeyo dib u dhis balaaran oo ka socda kawaanka malaayga ee degmada Wadajir.

Dhamaan ganacsatada iyo dadweynaha ku xiran kawaankaas ayaa aad ugu faraxsan dib u dhiska casriga ah ee lagu sameenaayo kawaanka malaayga taasoo wax weyn ka badali doonta sida uu ahaan jiray Kawaanka dhinac kasta hadii ay ahaan laheyd bilic iyo nadaafad intaba.

Salaad Jimcaale oo ka mid ah ganacsadata sida weyn ugu dhuun daloosha dib u dhiskan ayaa ii sheegay in ay si wanaagsan wax ku socdaan goor dhawna la filaayo in la soo gaba gabeeyo dhismha inshaa allaah.

W/Q Abdi Rageh Gomad

Thursday, August 29, 2019

Noocyada Kaluunka Qeybtii 1aad




















Malaaygan aad sawirkiisa arkeysaan waxaa looga yaqaan koofurta Soomaliya (Shiiraan) Waa nooc ka mid ah nooc yada sida aadka loo isticmaalo.

Waxaa uu u qeybsamaa dhowr nooc oo midab ahaan kala yara du duwan, Midkaas waxaa la yiraahdaa (Baal Gaduud) waa qeyb ka mid ah Shiiraanka.




















Mid kana waxaa loo yaqaanaa Yool waa isla farac ka mid ah Bahweynta Shiiraan oo sidaad arkeysaan waxaa ay ku kala duwan yihiin wax aan sidaas aheyn kalarka haba ugu badnaatee.

Dadka qaarkiis waxeey ku noqon kartaa layaab sida loogu abtirinaayo Kaluunka/Malaayga, laakiin dad ayaa sida xoolaha oo kale u kala yaqaan oo ay noloshoodu ku tiirsan tahay.

Waxaan mudo ku dhex jiray kaluunka walina si fiican uma kala baran noocyadiisa maalin walba mid nooc ah ayaa la i baraa mid aan kuwa kale ku qaldayna waa la iga saxaa kkkk.

W/Q Abdi Rageh Gomad

Monday, July 29, 2019

Soomaalida waxaa ay tiraahdaa Bun hadii la waayo badalkiisaa la helaa























Waxaan ku soo dhex jirnay xili uu aad suuqa ugu badan yahay malaayga loo yaqaan Jeedar oo aad iyo aad looga faa'ideystay waana malaayga ay Soomaalida inteedabadan wada taqaan iyo guud ahaan caalamkaba (Tuna) cidii maqashaa waxaa isla markii maskaxdeeda ku soo dhaca oo u sawirma Kaluunka qasacadeesan.























Kaluunkaas qasacadeesan oo guud ahaan miyi iyo magaalaba laga wada helo lagana wada isticmaalo, si kastaba Jeedar xiligiisii waa laga soo baxay badii waa kacday doomihii intooda badana xeebtaa loo soo wada saaray.

Waxaa soo baxay oo suuqa camiray malaayga noocaan ah oo ay Soomaalida u taqaan Saafid, inta badan maqaayadaha iyo meelaha lagu dubo kaluunkana laga wada helo.

Dad aan aniga iyo qoyskeyga ku jirno waxaan isku dayeenaa in aan ku iloowno xiligii barwaaqada ahaa ee uu suuqa Jeedarka buuxay in laga soo baxay.

Sida dhabta ahna waa lagu kaaftoomay waa maree waa kaluun macaan lafihiisana ay macquul yihiin hadaba Jeedar hadii la waayay Saafid lama waayin ee ka faa'ideyso.

W/Q Abdi Rageh Gomad

Saturday, June 29, 2019

Wali suuqa waa camiran yahay























Waxaa in dhawaalaba la saadaalinaayay in kaluunka uu aad hoos ugu dhici doono marka la guda galo xiliga xagaaga.

Xiligaas oo aalaaba ay bada aad u kacdo inta badan doomaha lagu kaluumeesatana ay bada gali kari waayaa, hadana sidii la filaayay ma noqon.

Inkastoo aan wali si fiican loo guda galin xiliga xagaaga hadana ififaalaha muuqda waa uu ka duwan yahay kii horey loo sii saadaaliyay.




























Dadka qaar ayaa sheegaaya in dhawaanahaan uu saro u kacaayay wax soo saarka bada taasna ay ugu wacan tahay ganacsatada oo si fiican u fahmay dhaqaalaha dihan ee ku jira badaheena.

Waxaa aad u soo kordhay qalabka bada sida doomaha iyo dhamaan agabka lagu kaluumeeyso oo tayo ahaan aad uga sareeya kuwii mudada dheer lagu soo kaluumeeysan jiray.

W/Q Abdi Rageh Gomad

Wednesday, May 29, 2019

Waligaa Malaay/Kalluun ma dabtay?

Khuukhle
























Waan ku dhashay jaceylka aan u qabo bada iyo Malaayga/Kalluunkaba, waayo waxaan xusuustaa markaan aadka u yaraa siduu ahaan jiray dareenkeyga ku aadan bada.

Kama wal wali jirin sida aan u baran lahaa Malaay dabida, waxan isku heestay in aan aqaan waana tan keentay in aan dhaho waa ku dhashay jaceylka bada.

Waxaan bada iyo kaluumeeysigaba aad u sii jeclaan jiray xiliga lagu gudo jiro bisha barakesan ee Ramadaanka, taasoo aan jeclaan jiray in aan gacanteyda ku soo qabto Malaayga/Kaluunka lagu daraayo sambuuska lagu afuraayo.

Waxaa ay ii aheyd Sharaf weyn in aan qoyska ka dabaro wixii lagu dari lahaa sambuuska iyadoo cid iiga baahan aysan jirin.

Taas waxaa ay sare u qaaday xirfadeyda kaluumeeysiga taasoo keentay markii dambe in aan u socdaalo meelo ka baxsan gobalka Banaadir, sida Gobolka Shabeelada hoose oo kale.

Malaaygaan/Kaluunkan aad sawirkiisa halkan ka aragtaan waxaa uu ka mid ahaa kuwa aan ugu jeclahay in aan ku quraacdo barqadii markii aan ka soo laabto bada in kastoo uu aad u lafo badan yahay hadana aad iyo aad ayuu u macaan badan yahay.

In aan quraac ka dhigto waxaan ka bartay qabiir sare ahna macalinkeyga bada Salaad Jimcaale, kaasoo aan mar kasta uga mahad celiyo wax badan oo kaluumeysiga muhiim u ah oo uu i baray.

Goobtii uu degaanka balaaran kulahaa Malaaygaas/Kaluunkaas ma tagin mudo dhawr iyo toban sano ah sababtoo ah waxaa dagay Ciidamada Amisom kuwaasoo ka mamnuucay dadkii ka kaluumeeysan jiray dhul balaaran

Nasiib daro waxaa ah in aan mar kasta kor ka arkoo dhulkii ku fiicnaa kaluumeeysiga oo ay dad shisheeye ah ka kaluumeeysanayaan dadkii dalka u dhashayna ay qarka u saaran yihiin in ay faraha ka qaadaan xirfadii ay waligood jeclaan jireen kuna noolaan jireen.

Waxaa laga yaabaa dadka qaar in ay is weydiiyaan maxaa meelo kale loo aadi waayay intii la quusan lahaa? waa su aal muhiim ah laakiin bada goobaha laga kaluumeeysto waa mucayim meel kaste ma ahan mida kale waxaa meelaha qaar lagama maar maan ah in aad hesho doon ama gaari aad meeshaad rabto ku tagi karto.

W/Q Abdi Rageh Gomad



Tuesday, April 30, 2019

Xili ka mid ah xiliyada ugu barwaaqeeysan bada

Waxaan u soo joogay xiliyo badan xaaladaha is badbadala ee bada waxaan xusuustaa xili uu aad hoos ugu dhacay dhamaan qeyraadka bada nooc kasta oo ay sida kaluunka iyo aaragoosatada.

Waxaan kaloo xusuustaa xiliyo la waayay meel lakala geeyo kaluunka oo wadooyinka uu daadsanaan jiray.

Hada waa sidaasoo kale waxaa la la'yahay meelo lakala geeyo kaluunka tiro badnaantiisa mana jirto cid qorsheesa qaabka loo kaluumeeysto oo cid kasta waxa ay rabto ayeey iska soo qabataa hadii ay weydo cid ka iibsatana waa ay iska daadiyaan.

Dhibka ugu weyna waxaa uu yahay shirkadaha kaluumeeysiga oo aan heer sare aheyn oo aan laheyn meelo ay ku keydiyaan kaluunka ay soo qabtaan haduu ku soo haro.

Hadii ay heli laaheeyn meelo wanaagsan oo ay ku keydin karaan waxaa fursad heli lahaa kaluunka tirada badan ee maalin kaste sida micno darada ah inta la soo qabto hadana qashin qubka la isaga daadiyo.

Kaluumeeysatadan waxaa ay u ahaan la heyd jaanis ay ku baajiyaan lacagaha joogtada ah ee uga baxa shidaalka maalin kaste.

Waxaan rajeynaayaa in lagu baraarugi doono fursadaan banaan oo la heli doono meelo tiyo sare leh oo lagu keydiyo kaluunka inshaa allaah.

W/Q Abdi Rageh Gomad

Sunday, March 31, 2019

Ka faaideeyso xiligan oo ah mid ka mid ah xiliyada ugu wanagsan ee kaluunka la helo





























Waxaa u soo baxay Kaluunka/Malaayga loo yaqaan Jeedar ama Tabadin (Tuna) kaasoo kiiladii la kala siisanaayo in ka yar $3.

Waxaa aad uga faa'ideystay dhamaan dadka jecel kaluunka/malaayga kuwaasoo waqtigan dahabiga ah si fiican uga dhargay.

Kaluunkan waa midka ugu caansan aduunka looguna jecel yahay cunistiisa, dad badan waxaa laga yaabaa in ay ku soo xusuustaan Kaluunka gasacadeysan.

Waxaan alle ka baryeenaa in uu noo barakeeyo nimcada balaaran ee uu nagu maneesatay.

Waxaa Qoray Abdi Rageh Gomad 

Thursday, February 28, 2019

Rajo weyn ayaa laga qabaa









Kaluumeysatada iyo dhamaan ganacsatada ka ganacsada qeyraadka bada ayaa rajo weyn ka qaba isbadalka cimilada in uu sahli doono in uu dib u bilowdo kaluumeeysigii aadka hoos ugu dhacay intii ay socotay dabeeshii xooga badneyd.

Waxaa guud ahaan hoos u dhac xoog leh ku yimid kaluunkii laga soo saari jiray bada cimilada oo xumaatay darteed.

Rajadan iyo ififaalaha wanaagsan oo ay muujinayaan dhamaan ganacsatda iyo kaluumeysatadaba ayaa sare u qaaday niyada dad badan oo ay noloshoodu ku xirneyd bada.

Waxaan sugnaa waa sida uu xaalku ku dambeeyo inshaa allaah.


W/Q Abdi Rageh Gomad.

Wednesday, January 30, 2019

Wal wal ka dhashay go aankii dowlada ee shatiyada lagu siiyay Maraakiibta shisheeye



























Waxaa dhawaanahaan la isla dhex maraayay hadal heynta ku saabsan in dowlada Soomaaliya ay siisay shatiyaal 31 markab oo laga leeyahay wadanka shiinaha (China) kuwaasoo ka kaluumeeysan kara Xeebaha wadanka Soomaaliya noocyo qaas ah oo kaluunka ka mid ah sida Jeedarka (Tuna) iyo kuwa la hal maala.

Markuu soo baxay warka noocaas ah waxaa uu dood iyo booq ka dhex abuuray dhamaan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kaluumeeysatada ay noloshoodu ku xiran tahay bada.

Waxaa aad looga dooday sida iyo awooda ay dowlada federalka ah kula socon karto ama uga warheyn karto in heshiiskii si wanaagsan loo dhaqan galiyay oo aan wax xad gudub ah lagu sameyn bada.

Heshiiska waxaa uu leeyahay wasaarada kaluumeeysiga iyo kheyraadka bada waxaa ay u yeeri kartaa maraakiibtaas xiliga ay doonto si ay u hubiso sida ay u socoto howshoodu, taasoo dadka qaarkiis ay u arkeen in aysan waxba ku soo kordhineeyn waxana ka tareyn wal walka ay dadka Soomaaliyeed ka qabaan Maraakiibtaas.

Fudeydka iyo ku deg degida heshiisyada masiiriga ah ee dalka iyo dadkaba saameeynta weyn ku yeelanaaya, xili aan awood buuxda loo laheyn dhaqan galintooda waxaa ay noqotay wax caado u noqday dowladaha dalka soo mara, taasoo sii iftiimineeysa shikiga laga qabo madaxda dalka in ay san dhab ka aheyn waxa ay afka ka sheegaayaan.

Hadaba waxaa la gudboon dadka Soomaaliyeed in ay cadeeyaan mowqifkooda ku aadan heshiiskan iyo kuwa kalee sida fudud la isaga galo kaasoo saameeyntiisa ay iyaga si toos ah iyo si dadbanba u taabaneeyso.

W/Q Abdi Rageh Gomad