Our Visitors

Flag Counter

Wednesday, February 28, 2018

Daawo Sawirada: Hay'ada FOA oo tababar siineeysa haweenka ku nool xeebaha.



























Halkan waa Magaalada Boosaaso, Hey'ada Cuntada iyo Hurumarinta beeraha ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan (FOA) ayaa waxaa ay tababar siineeysaa hablaha ku nool kaamamka barakacayaasha ee nawaaxiga xeebta dheer ee magaalada Boosaaso.

Haweenkan waxaa la barayaa sida looga faa'ideysto kaluunka, mudo dheerna loo keediyo, iyadoo la isticmaalaayo hanaanka qorax ku qalajinta.






























































































































Source:http://www.puntlandtrust.com/2018/01/blog-post_30.html

W/D Maxamed Aadan Isxaaq

Saturday, February 10, 2018

Daawo Sawirada: Dadaalo lagu badbaadinaayo Doon u raran ganacsato.


























Waxaa si heer sare ah u socda dadaalo lagu badbaadinaayo doon u raran ganato, taasoo ku soo caarisay magaalada Boosaaso.

Doontaasoo sida shixnad lagu qiyaasay $9 milyan oo dollar, waxaa ay ka soo shiraacatay dekedaha wadan isku taga imaaraadka carabta.

Howshaas balaaran waxaa si hagar la'aan ah uga qeyb qaadanaaya dhamaan shacab weynaha ku nool guud ahaan deegaanada Maamulka Puntland gaar ahaan magaalada Boosaaso.


Hosha waxaa ay socotaa muda ku siman sedex maalmood waxaana la dhisay in ka badan 200 mitir waxaa hada ka dhiman in doonta loo tago wax ka yar 50 mitir.

Waxaa gacan balaaran ka geysanaaya howshaan injineero deegaanka ah oo si heer sare ah uga shaqeynaya hadeey noqon la heyd qorsheynta, naqshadeynta iyo kormeerka intaba.

Waxaan alle ka rajeyneynaa in uu ku garab galo dadaaladoodaas oo ay ku guuleeystaan inshaa allaah kuna bad baadsadaan hantidaas ku sigatay in ay baaba' do taaasoo saameeyn weyn ku leh nolosha dad weyne tiro badan oo Soomaali ah.

W/Q Maxamed Aadan Isxaaq

Saturday, February 3, 2018

Halkuu ku dambeeyay mashruucii lagu dhigaayay qalabka FISH AGGREGATING DEVICES (FAD).


Ku dhawaad shan sano ka hor waxaa deegaana ku teetsan badda laga hir galiyay qalab ku cusub kalluumeeysatada Soomaalida qalabkaas oo loo yaqaan Fish Aggregating Device loona soo gaabiyo (FAD).

Qalabkaas wuxuu ahaa deegaan macmal ah oo uu kaluunka gabaadsado si uu uga bad baado kalluunka kale ee ugaarsada.

Qalabkaas meelaha laga hir galiyay waxaa ka mid ahaa Deegaanka Jazeera ee Gobolka Shabeelaha Hoose, si aan wax badan uga ogaado xaalka uu ku sugan yahay qalabkaas mudo shan sano ku dhaw ka dib ayaan taleefanka kula hadlay Salaad Jimcaale oo ka mid ah kalluumeeysatada ka howl gasha deegaankaas.

Mudane Salaad Jimcaale wuxuu ii sheegay in qalabkaas uu ka koobnaa la qeyb, in muda ahna lagu diirsaday laakiin ugu dambeeyntii uu qalabkii xargaha goostay qeybna ay soo caarisay oo ay banaanka u soo baxday qeybna ay bada raacday oo uu san sheegi karin meesha ay sida saxda ah uga baxday iyo in  ay meel kale qabsatay.

Hadaba marka la helo qalab kaasoo kale waxaa muhiim ah in si fiican looga taxadaro ilaalinta iyo la socoshada xaaladaha uu ku sugan yahay fikrad fiicana laga qaato sida loo sameeyay si la isugu filnaado oo looga baaqsado ku tiirsanaanta kaalmo shisheeye.

W/Q Maxamed Aadan Isxaaq