Our Visitors

Flag Counter

Friday, October 31, 2025

Wali lama haayo isbadalkii la filaayay

 Wali waxaa aad u yar helidda malaayga noocii aad loo filaayay helidiisa xiligaan deerta ah kaa soo ah nooca loo yaqaan Jeedar/Tabadin ama (Tuna)

Tuesday, September 30, 2025

Dadaalka kaluumeeysatada dalka waa mid mudnaantiisa leh

 Intii ka dambeeysay burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya waxaa dalka ku habsaday guud ahaan dib u dhac iyo kala daad dhamaan adeegyada guud ee laga heli jiray dowladii dhexe iyo Iskaashatooyinkii awooda u lahaa haqabtirka baahiya bulshada, dhinacyada beeraha iyo kaluumeeysigaba.

Laakiin waxaa si sharaf iyo mudnaan leh isku xilqaamay, haraagii ka haray shaqaalihii Iskaashatooyinkii hore iyo wasaaradihii dowladii dhexe, kuwaasoo dhexda u xirtay buuxinta kaalintaas ku soo banaanaatay bulshada in la buuxiyana ay tahay lagama maarmaan.

Waxaan xasuustaa kaluun fresh ah oo diyaar ku ah kawaanka malaayga ee xaafada aan ku dhashay ee Madiina gaar ahaan Degmada Wadajir.

Wax sahlan ma aheyn xiligaas in la helo kaluun ama malaay fresh xiliaag aroorta ah sababo amaan dartood waayo waxaa aad u badnaa dhaca iyo dilka maalaa yacniga ah ka dib markii qof walbaa uu helay qori si sahlan.

Run ahaantii dadaalka kaluumeeysatada dalka waxaa uu mudan yahay maamuus iyo qadarin.


W/Q: Mohamed Adam Ishak

Sunday, August 31, 2025

Waxaa aad hoos ugu dhacay helida malaayga loogu jecel yahay gudaha Dalka

 



Lama oga sababta ka dambeeysa hoos u dhaca weyn ee ku yimid malaayga loogu jecel yahay gudaha dalka iyo waliba caalamka.

Malaaygaas mid kale ma aha ee waa nooca loo yaqaan Jeedarka/Tabadinka ama (Tuna) kaasoo aad loogu xisaabtamo ka ganacsigiisa aadna loogu xisaabtamo.

Dhibka naga heeysta maareeynta iyo la socoshada waxa ku soo kordha xeebaheena waxaa ugu wacan aqoon iyo agab la aan baahsan oo naga heeysata dhankaas.

W/Q: Mohamed Adam Ishak

Wednesday, July 30, 2025

Maxaa u xal ah kaluumeeysiga sharcidarada ah ee badeena ka jira

 





















Waxaa si aan kala sooc laheyn loo xaalufinayaa oo loo dabar jarayaa dhamaan kheyraadka baddeena kaasoo ah dhaxalka umada Soomaaliyeed.

Ka dib burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya badeena waxaa ey ka mid noqotay meelaha uu soo gaaray dayaca ugu badan ee ku habsaday dalka.

Waxaa u soo shaqo tagay wadamo badan oo caalamka haba ugu badnaadaan kuwa nagu xeeran ee aan wadaagno xuduud biyood iyo mid biri ahba, kuwasoo hormuud ka noqday dhaca iyo boobka lagu haayo hantida umada Soomaaliyeed ee beylahda ah.

Waxaa si weyn loo dareemay maqnaanta ciidankii xooga dalka ee difaaci jiray Bad Cir iyo Dhulba, kuwaasoo ku bururay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.












Qeybo ka mid ah gobolada dalka waxaa quus laga gaaray maarkiibta shisheeye ee raxan raxanta u socota ee sida indho la'aanta ah u xaalufinaaya dhamaan kheyraadka bada iyagoo waliba isticmaalaaya shabaagyo laga mamnuucay caalamka saameentooda xun ee ay ku leeyihiin Deegaanka.

Soomaaliya oo hada ku jirta xaalad soo kabasho ah oo aan cago adag ku taagneyn ayaa waxaa socda dhismaha ciidamada Bada kuwaasoo kaalmo ka helaaya wadamo uu ka mid yahayTurkiga.

Rajada umada Soomaaliyeed maalinba maalinta ka danbeeysa waa ey sii xoogeeysaneysaa iyagoo ku sii tilaabsanaaya horumaro la taaban karo.

W/Q: Mohamed Adam Ishak


Monday, June 30, 2025

Waa Sidee Xaalka Suuqyada Kalluunka

 Siduuu u biloowday xiliga xagaaga waxaa suuqyada lagu gado malaayga/kalluunka ee magaalada muqdisho iyo gobolada ku xeeran laga dareemaayay hoos u dhac ku yimid malaaygii/kalluunkii la keeni jiray suuqyadaas.

Waxaan ka wareeystay sida uu yahay ganacsiga ka jira suuqyadaas xiligan xagaaga ah iyo waxa iska badalay ganacsade Cabduqaadir Jimcaale Maxamed oo ka mid ah ganacsatada Suuqa Malaayga ee Degmada Wadajir.

Jaale Cabduqaadir Jimcaale waxaa uu ii sheegay 'in uu jiro hoos u dhac weyn, sidii loo galay Xiliga Xagaaga kaasoo ay u dheer tahay isbadal xaga cimilada ah taasoo dad badan ay si weyn ugu baraarugeen. 

Caadiyan Xiliga Xagaaga waxaa uu caan ku yahay in bada ay aad u kacdo hirar waaweyn iyo nooca kalarka bada oo isu badala caad caad cawlan.

Laakiin calamadahaas hada lama hayo badana uma kacsana sidii la filaayay, nooyo badan oo kaloon ah oo aan xiligaan la heli jirin ama yaraan jiray ayaa wali socda oo la hilaa, iyadoo noocyadii caanka ku ahaa Xiliga Xagaaga sida, Tartabada, Booraadka iyo dhamaan malaayga nooca loo yaqaan Gaxashka ama malaay Qareedka ayeey aad u yar tahay hilidooda ama soo qabashadooda.


W/Q: Mohamed Adam Ishak

Thursday, May 29, 2025

10 qof oo ay sagaal caruur tahay.

 Waxaa ay aheyd mid ka mid ah musiibooyinka bada ka dhaca xiliga xagaaga taasoo galaafatay nolosha toban qof oo ay sagaal caruur tahay. 

Waxaa kaloo jira qof meydkiisa laga helay nawaaxiga tuulada Ceel-Macaan, kaasoo aanan wali naloo cadeyn in uu ka mid ahaa dadkii ay badu ka qaaday xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Sidaan marar badanoo hore uga dignay, xiliga Xagaaga badu waa qatar weyn taasoo geesata qasaarooyin isugu jira naf iyo maal. 

Waxaan waalidiinta kula talineeynaa in ay caruurtooda ka wacyi galiyaan dhibaatada iyo qatarta ka jirta bada xiliga Xagaaga.


W/Q: Mohamed Adam Ishak